Magaalo aan lagu gaajoon !!!!!!!!!!

Magaalo aan lagu gaajoon !!!!!!!!!!

Mid kamida meelaha ugu daran ee caalamka lagu noolaado cabudhin iyo gumaysi awgeed taas oo dhibta ugu badan ku keenta nolol maalmeedka bulshada halkasi degen hadana markaynu dhinac kale ka eegno waxay ku caan baxdey magaalada KHALIIL ee daanta galbeed ee wadanka falastiin ee israil hasyato inay noqoto magaalooyinka ugu hadal haynta badan caalamka taas oo ay mutaysatay dhibirsanaanta iyo martisoor wanaaga

Waxay ay magaaladani caanku tay guriga martida taas oo ay u yaqaanaan dadka deegaanku ( TUKYA)  oo ku yaala agagaarka masaajidka caanka ah ee loo yaqaan (XARAMU IBRAHIMI) waxaa hoygani ku caan baxay inuu quudiyo cunto lacag la,aana ah sanadka oo dhan dhammaan cid kasta oo u baahan mid degaan ah, mid socoto ah iyo mid booqde ah ba

Waxaa xusid mudan in dhaqankan uu ahaa mid boqolaal sano layska soo dhaxlaayey laga soo bilaabo waqtigii geesigii caanka ahaa ee muslimka ahaa (SALAXU-DIIN AYUUBI) uu dib u  qabsadey dhulka barakeysan ee falastiin

gurigan maritda ama TUKYA waxaa lagu tilmaama in la asaasay sanadkii 1279 kii waqtigaas oo ciidamada muslimiinta loogu diyaarin jirey cuntooyinka sadexda waqti

Waxa kale oo la yaaba in in marti soorkani uu yahay mid sanadkoo dhan socda lagana heli karo dhammaan noocyada kala duwan ee ee cuntooyinka sida HILIBKA BARIISKA , FURINKA, KHUDAARTA,

waqtiyada ramadaanta waxaa lagu soo kordhiyaa dhamaan cuntooyinka uu u baahanyay qof soomani

Qore

Abdi Aziz Awil Adar

Burco Somaliland

Contact : – 0634478163 abdiaziz2016@outlook.com .

Advertisement

Ku Xayeysiiso