Gudaha ka eeg:Abaartii oo Saamaysay Dalka Norway Kadib markii Sanadkan uu Baaqday Roobkii iyo Barafkiiba + Shalay oo Lagu dhawaaqay in aan la wadan karin Baabuurta Ku shaqaysa Deiselka.

Dalka Norway ayaa Sanadkan Gabi ahaanba aanuu ku di´i barafkii Jiilaalka u di´i jiray kaas oo ay sanadka wax aan ayaamo inta ay wax yarii da´een ayuu kadibna joogsaday.

Dalka Norway oo Ku tiirsan di´ista barafka kaas oo marka laga yimaado beerashada cuntada iyo baadka Xoolaha ay Norway uga faaidaystaan Dhinaca Laydhka taas oo sanadkan ay dadku ka cabsi qabaan in ay noloshu ku kacdo sida dhinaca Cuntada, Caanaha iyo laydhka.

Dalka Norway Oo ku yaalaya Waqooyiyiga Aduunyada Kuna yaala Dul aad uga sareeya Cabirka Badda ayaa Had iyo jeer waxaa laga dardaar wariyaa hadii aanuu Roob ama Baraf Di´in. Se sanadkan Wararkii aad u wayn ayaa ka qabtay Nolosha sida dhinaca caafimaadka oo Hawadoodii ay Wasakhaysantahay iyo biyo yaraantala soo daristay.

Ugu dambayntii waxay maalintii shalay ku dhawaaqeen in la joojiyo ama la parking gareeyo baabuurta ku shaqaysa Desiel ka kuwaas oo ay ku sheegeen in hawadii oo hore u wasakhaysneed hadii ay intaas oo baabuur oo deseil ahi mar kaliya maanta lagu shaqo tago in dad badan caafimaadkoodu khatar galaayo. Waxaana la faray Police ku in uu ganaaxo ruuxa u hogaansami waaya parking garaynta Baabuurta Deseilka. Police oo sheegay in ay shaqo ka badani u taalo taas hadana waxay sheegeen in 1500kr oo u dhiganta 170$ la ganaaxaayo wadaha aan amarkaas qaadan.

Waxay kaloy sheegeen in baabuurta pertolka ku socota iyo kuwa dabkuba ay iska sii soconayaan oo aanay hawada wax badan ka badalaynin.

Warqabadka togaherer
Oslo Norway.

Advertisement

Ku Xayeysiiso