Wasiir Samsam: Masuul karti Iyo Waxqabad Aan La Iloobi Karin Muujisay

Wasiir Samsam: Masuul karti Iyo Waxqabad Aan La Iloobi Karin Muujisay

 

Been ma sheegto Taariikhdu

ma bukooto mana baqato

biyo dahab nimay ku dhigtiyo

baro dhiig nimay ku qortiyo

qalinkeedu ma baabo’o.

 

odhaah suugaaneed kan kamid ah suugaantii soomaalida oo micno balaadhan xambaarsan waxa aan u soo qaatay in aan ku muujiyo si guud wax qabadka muwaadin nimo iyo daacadeed ee mid ka mid ah muwaadiniinta aqoon yahan ka ah ee Reer somaliland iyadoo odhaahdan loo adeegsan karo muwaadin kasta oo abaal u galay mid galaday iyo mid gaasirayba, hadaba iyada oo ay jiraan muwadiniin badan oo magac iyo taariikh ba ku leh dalkan iyo dadkiisa, kuwaas oo isugu jira Rag iyo Dumar ba.

Haweenku waxa ay sidoodaba rukun muhiim ah ka yihiin horumarka bulsho ka sokow ka qoys ahaaneed la’aan toodna waa hubaal in aanay wax  badani suutagaleen, Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay ka mid tahay haweenka aqoon yahanka ah ee Somaliland, waxa aanay tan iyo dhalin yaro nimadeedii sida aan xogo badan ku helay ay ku foognayd sidii ay wax ugu qaban lahayd dadkeeda iyo dalkeeda Cilmi ahaan , Caqli iyo Cuduba, goob kasta oo ay joogto waxa ay ka mid ahayd haween kii doorka muhiimka ah kulahaa Halgankii lagula soo noqday madax banaanida dalka.

Madax waynaha Jamhuuriyada mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraayo, markii uu ku guulaysatay tartanka doorashada madax tinimo, waxa xukuumadiisii ugu horaysay  ee uu soo dhisay xilka wasiirnimo ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare uu u magacaabay Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxa aanay mudadii ay joogtay wasaaradaasi ay qaaday talaabooyin hor leh oo la xidhiidhay dar-dar galinta iyo horumarinta Wasaaraddaasi waxa aanay ka muujisay Waxqabad dhab ah oo loo qiray iyada oo mudadaa ka hirgalisay Gobolada iyo Dagmooyinka Schooladii ugu tirada badnaa oo ay ku jiraan kuwa quudinta Ardaydu,

Runtii waa wasiir sumcad wanaag iyo sharaf ku muujisay masuuliyadii kala danbaysay ee xiligii Waxbarashada iyo haatan oo ay tahay Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan waa Wasiir ay jecelyihiin inta Samaha Iyo Horumarka Somaliland Jecel, Waa Wasiir ka damqada dhibaato kasta oo haysta shacbigeeda ama lasoo darista kaalin lama ilaawan ahna ka qaadata u gargaaristooda, wasiir samsam cabdi adan runtii waa mid muuqata kaalinta Firfircoon ee ay kaga jirto Golaha Wasiiradda Somaliland waxa aan la ilaawi Karin Gurmadkii ay ka gashay abaarihii kala danbeeyay ee Galbeedka iyo ta haatan ka taagan Bariga Somaliland, iyadoo Goboladana u qaybisay Ambalaasyo loogu tala galay Gurmadka Degdega ah.

Waxa kordhay Dhakhligii miisaniyadeed ee Heer Qaran  iyada oo markii ugu horaysay loo aqoonsaday Miisaniyadeena Heer Caalami.

Hadaba waxa jira dadka qaar Xumaanta jecel oo nacab u ah cid kasta oo ka shaqaysa samaha iyo wanaaga, waxa aanay ka naxaan cid kasta oo ku firfircoon hanaanka wax qabad ee Dalkeena, waa cadaw shisheeye iyo mid gudeheena ku dhex nool oo iska dhex muujiya TVyada iyo Barha ay bulshado ku kulmaan, oo u baahan in Feejignaan dheer loo yeesho, Meelna looga soo wada jeesto.

Gabagabdii waxa aan Qormadaydan kusoo koobayaa cid kasta oo dadaal iyo wax qabad muujisay waxa og oo abaal u  haya shacbiga Xaqsoorka ah ee ku faana Horumarka dalkiisa,

Wasiir samsamna waxa aan leeyahay abaal waa ka Alle shacbiguna way kuu ogyihiin Dadaalka aan nasashada lahayn ee aad ugu jirto Dalka Iyo Dadkaaga, Waana mid gali doonto Diwaanka Taariikhda.

 

 

Allah Mahad leh

 

Axmed Xuseen Cali (Cawaale).

Advertisement

Ku Xayeysiiso