FALANQEYN: Danaha Xisbiyada,Kulmiye Doorasho Iyo Waddani Abaar!

FALANQEYN: Danaha Xisbiyada,Kulmiye Doorasho Iyo Waddani Abaar!

Abaaraha ka jira dalka ayaa keenay muran ah in doorashada dib loo dhigo iyo in wakhtigeedii la qabto, iyadoo abaartu Sii xumaanaysa maalinba maalinta ka dambeysa.

Xisbiga Kulmiye waxaa uu doonayaa in doorashada wakhtigeeda lagu qabto iyadoo abaartu jirto laakiin xisbiga Waddani ayaa kasoo horjeeda qorshahaasi  lagu qabanayo doorashada,Xisbiga UCIDna waxaa uu aaminsanyahay In doorashada dib loo dhigo.

Qoraalkeenan waxaynu ku sheegi doonaa danaha xisbiyada Kulmiye iyo Waddani midna ku diiday in doorashada la qabto, midna doonayo in wakhtigeeda la qabto.Haddii aynu ku horeyno Xisbiga Kulmiye danaha ugu jira in doorashada wakhtigeeda la qabto qoddobadan ayay kusoo koobmayaan.

1:Kulmiye waa xisbi Xaakim oo dawladdu haddii ay waxba ka qaban waydo abaaraha ka jira Somaliland waxaa dhici karta in shacabka taageeraa isbadal doon noqdaan oo ay xisbiyada kale doortaan.

2:Kulmiye Waxaa uu ka Faa’ideysanayaan Dadka abaaraha ka barakacay ee Gobolada Bariga Somaliland maaddaama deegaanada dadkaasi ka qaxeen uu kasoo jeedo musharaxa Xisbiga Waddani.

3: Kulmiye waxaa uu awood ku leeyahay magaalooyinka ugu waaweyn Somaliland oo aanay abaari ka dhicin.

4: Kulmiye waxaa uu ka Faa’ideysanayaan Madba’a Soomaaliweyn ee lagu eedeeyo masuuliyiinta ugu sareeya Xisbiga Waddani oo maalmihii dambe xisbigaasi ku waayay taageerayaal badan.

5: Kulmiye waxaa uu eeganayaa raadka Madaxwayne Siilaanyo kaga tagay dalka iyagoo ololaha ku galaya Dhameystirka Waxqabadka socda iyo fulinta balamaha madaxwayne Siilaanyo.

6:Kulmiye waxaa uu ka ordayaa in doorashadu mar labaad dib u dhacdo maaddaama uu ku waayi karo Taageerayaal badan.

7:Kulmiye Waxaa fursad u ah dadka usoo barakacay gobollada galbeedka Somaliland, waayo? Waxay sameyn karaan in codka ay ku badashaan lacag oo ay iibsadaan.

8:Kulmiye waxay ka faa’ideysanayaan kala socodka beelaha musharaxiinta kale, waxaanay ka ordayaan inay heshiiyaan.

9:Musharaxa Xisbiga UCID oo aad uga soo horjeedo Xisbiga Waddani ayay fursad wayn u ah Xisbiga Kulmiye.

10:Xisbiga Kulmiye waxaa uu hayaa lacago badan oo kasoo galey heshiisyada dekada Berbera, Saldhiga Millatariga ee Imaaraatka carabka iyo caawimada Lacagaha abaarta oo ku filan Ololaha doorashada.

11:Kulmiye waxaa uu ka Ordayaa in madaxwayne Siilaanyo Is casilo oo uu sheego inaanu xilka inta sii hadhey waddi Karin islamarkaana Saylici noqdo Madaxwaynaha Somalilad oo siyaasadu is badasho.

12:Gobollada ugu badan ee taageerayaasha xisbiga Kulmiye waxaa looga diyaar garoobay doorashada madaxtooyada waana fursad xisbiga Kulmiye u doonayo doorashada oo wakhtigeeda ku dhacda.

Haddii aynu eegno xisbiga Mucaaridka ee Waddani qodobada uu wakhtigan ku doonayo in doorashadu dib u dhacdo waxaa ka mida.

1: Taageerayaashii Xisbiga Waddani u codeyn lahaa oo badankoodu abaareysan kana barakacay deegaanadoodii.

2:Kulankii la sheegay inay la yeesheen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo shacabka Somaliland galiyay dareen ah in masuuliyiinta xisbiga Waddani aanay daacad ka aheyn Qaranimada Somaliland oo kasoo kabasho inay dadku ilaabaan u baahan.

3:Xisbiga Waddani waxaa uu doonayaa inuu ollolaha ku galo dawlad laba jeer Korodhsatay oo aan dastuurku ogoleyn (Wakhti dhaaf sidii Kulmiye ku dhaliili jiray xukuumaddii Madaxwayne Riyaale).

4:Xisbiga Waddani waxaa uu shacabka Somaliland tusayaa inaan Musharaxa madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi aanu ka fikireyn danta shacabka Abaareysan ee uu eeganayo kaliya qorshe uu madaxwayne ku noqon lahaa.

5:Waxey eegaynayaan Fursada madaxwayne Siilaanyo dhex uga noqon lahaa Doorashada Soo socota maaddama uu imika la safanyahay Xisbigiisa Kulmiye.

6:Waddani waxaa fursad u ah Doorashada oo dib u dhacda islamarkaana uu helo taageerayaal badan oo xisbiga Kulmiye uga baxa Jabin Dastuur oo muddo korodhsi ku dhisan.

7:Xisbiga Waddani waxaa uu sugayaa inta uu kasoo kabanayo eedaha Soomaaliweyn ee Kulmiye ku dhaliilo.

8:Waddani waxaa uu galayaa Ollole balaadhan maaddaama aanu imika u muuqan xisbi u diyaara doorashada Madaxtooyada.

9:Markasta oo doorashadu dib u dhacdo waxay dan u tahay xisbiyada Mucaaridka ah haddey tahay taageere iyo lacago ay ka helaan jaaliyadaha kale.

10:Dhaliisha ah in Guddoomiye Cirro golaha wakiilada Waxba ka qaban waayay ayaa meesha ka baxaysa haddii dadka abaaraha waxba loo qaban waayo taasina waa fursad Waddani eeganayo.

Iyadoo Xisbiyada ku loolamaya siyaasada Somaliland sidaasi u kala eeganayaan Fursadahan aynu soo sheegnay iyo qaar kale oo maskaxda taageerayaasha labada Xisbi ee Kulmiye iyo Waddani ka dhex guuxaya, Haddana Taageerayaasha Kulmiye oo shalay xalaasheyday muddo Kordhintii madaxweyne Siilaanyo loo sameeyay waxaa ay ku doodayaan qodobka 83aad ee dastuurka Jamhuuriyada Somaliland farqadiisa 5aad oo qeexaya sababaha dib u dhigi kara Doorashada Madaxwaynaha  “Haddii ay suurtoobi waydo sababo la xidhiidha nabad galyada Darteed in la qabto doorashada madaxwaynaha iyo ku xigeenka marka muddada xilkoodu dhamaado, waxaa Golaha Guurtida Waajib ku ah inay madaxwaynaha iyo ku xigeenka u kordhiyaan Muddada xilkooda, iyagoo tixgalinaya muddada Dhibta lagaga bixi karo laguna qaban karo doorashada”ayuu sheegayaa Qodobkaasi oo taageerarayaal badan oo Kulmiye ahi sheegayaan in doorashada dib loogu dhigi karo. Marka ay sidaasi leeyihiin Taloow Muddo kordhinta Madaxwayne Siilaanyo imika ku fadhiyaa Xagey Dastuurka ka qabanaysaa ayaan Is waydiiyay, Balse waa Qushigeed haddaan wakhtigeedii la joogin.

Taageerayaal badan oo Xisbiga Waddani ahna waxay ku doodayaan in shacabka oo  abaareysan aan doorasho la qaban Karin iyagoo daliil uga dhigaya Qodobka 42aad ee Dastuurka Farqadiisa 3aad “Haddii Duruufo adag ku qabsoomi waydo doorashadu, waxaa qiimeynaya oo Muddo kordhin sameynaya Golaha Guurtida”ayay leeyihiin markay Qodobkaasi adeegsanayaan kuwaasina waxaa meesha imanaysa Taloow Doorashooyinka Muddo Dhaafay ee Cabdiraxmaan Cirro Kursiga wakiilada ku hogaamiyaa Halkee Sharciga kaga jiraan?.

Waa sharci iyo waa Sharci daro,hebalbaa diidan iyo Heblaayaa Ogol iyo doorashada Dib loo dhigo,  in la qabto Xalka Ummadan maaha,  Wax haloo qabto Mucaarid iyo Muxaafidba dadka abaareysan iyo Kuwo kale ee ku dhibaataysan Gudaha magaalooyinka, Wax dan ah oo Waddani iyo Kulmiye u hayaan ma jirto shacabka Somaliland ee mid waliba waxaa uu ku jiraa sidii uu uga guuleysan lahaa xisbiga Kale.

Gabagabadii, Shacabka Hala hordhigo Siyaasad cad oo wax loogu qabanayo, Muuse Biixiga Kulmiye waxaan leeyahay Siyaasadii Xisbiga Kulmiye ku galley Doorashadii Madaxtooyada ee 2010 wax ka duwan keen madaxwayne Siilaanyo ayaa lagu doortay, wax uu qabtay wanaag iyo xumaan taasi dhamaatay balse adigu Qorshe aad Somaliland madaxwayne ugu noqonayso la kaalay oo reernimada iyo waa Markayagii ka Gudub.

Cabdiraxmaan Cirra-ha Xisbiga Waddani-na waxaan leeyahay Dadku si fiican ayay kuu garanayaan inaad 11sano golaha wakiilada Somaliland odeygooda aheyd maamulkaaga iyo waxqabadkaaga way ka dhargeen ee siyaasad cad oo aad shacabka ugu sheegayso wixii kaa khaldanaa 11sano iyo in golaha wakiilada lagaaga awood badnaa oo aanad waxba ka qaban kareyn dadka u sheeg, reernimada iyo reer hebel ayaa Somaliland innagu xukumay ka Kaalay oo waxaad hayso shacabka soo Hordhig waxuun baad ku heliye.

Faysal   Cali Waraabaha UCID-na waxaan leeyahay Way wanaagsantahay inaad is dhawrto laakiin Waad ka faa’ideysan kartaa Intay labadan Xisbi ee kale isku haystaan Siyaasada Somaliland, Waxaad usoo bixi kartaa Sidii Donald Trump Mareykanka, Hurdada ka kac oo xisbiga u diyaari doorashadu way dhacaysaaye.

 

Ilyaas Cabdi Cali

Ilyasdable@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso