Xisbiga UCID Oo Xaflad Soo Dhawayn Ah U Qabtay Kumanaan Taageerayaal Ah Oo Ka Soo Digo Rogtay Xisbiga WADDANI + Sawiro

Xisbiga UCID ayaa maanta xaflad balaadhan ku qaabilay mawjado taageerayaal ah oo ka soo digo rogtay Xisbiga WADDANI, Gaar ahaan Degmooyinka Gacan-Libaan, Maxamuud Haybe Iyo Maxamed Mooge .

Xafladdan oo ka dhacday Guuleed Hotel ee Magaalada Hargaysa, ayaa waxaa soo buux dhaafiyay Kumanaan taageerayaal ah, Masuuliyiinta Xisbiga UCID oo uu Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe hormuud u ahaa, Madax Dhaqameed, Masuuliyiintii Xisbiga WADDANI ka soo digo rogotay ee la soo dhaweenayay, Boqor Buur-Madaw Iyo Marti Sharaf Kale .

Ugu horayn waxaa halkaasi kalmado soo dhaween ah ka yidhi Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex Ee Xisbiga UCID Cabdi Dool Kaariye, waxaanu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay taageerayaashaas ku soo biiray Xisbiga UCID .

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gobolka Tog-dheer Mudane Aadan ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu cod-dheer ku sheegay in Xisbiga UCID muujin doono Cududdiisa isla markanaa yahay Xisbiga ku haboon in uu qabto Talada Dalka .

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Gudoomiyihii Xisbiga WADDANI Ee Degmada Maxamuud Haybe Khadar Jaamac Iimaan oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay maanta ku soo biiraan Xisbiga UCID,waxaanu ku dheeraaday asbaabihii ku kallifay in ay xisbiga WADDANI ka soo digo-rogtaan.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in Xisbiga UCID yahay Xisbi qaran oo xambaarsan Mabaadi’I horumar u horseedaya Qarankan, kana fogo qabyaalad iyo wixii la hal-maala .

Madax Dhaqameed kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cawil Fiiqle iyo Cuqaal kale oo halkaasi ka hadlay ayaa Bogaadiyay  Xisbiga UCID .

La taliyaha Murasahaxa Madaxweynaha Ee Arrimaha Shareecada Suldaan Abu Sufyaan ayaa sheegay in Gudoomiye Faysal Yahay nin mabaadi’iisu daacad ka ah, bulshadiisana u tudha .

Boqor Buur-Madaw oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeen bogaadiyay Xisbiga UCID, waxaanu sheegay in Hogaaminta Dalka uu ku haboon-yahay Faysal Cali Waraabe .

Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa xafladaasi soo gabo-gabeeyay, waxaanu soo dhaweeyay Taageerayaasha Baaxadda leh ee ku soo biiray Xisbiga UCID .

Hoos Ka Daawo Khudbada Gudoomiyaha oo Dhameestiran .

Advertisement

Ku Xayeysiiso