Filim Matalaha Hollywood-ka Jim Kerry: Trump waa Khaa`in!


Filim Matalaha Hollywood-ka Jim Kerry ayaa ku eedeeyay Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump in uu yahay Khaa`in sababtoo ah wuxuu magacaabay garsoore Brett Cavanaugh oo xubin ka ah Maxkamadda Sare ee Maraykanka.

Jim Kerry ayaa khaa`in ku sheegay madaxwaynaha maraykanka mar uu ka soo qayb galay Bandhiga filinka ee New Yorker. Atoorahan caanka ka ah ee Mareykan ayaa hore u weeraray Donald Trump dhowr jeer sababo kala duwan.

Kerry ayaa xusay baahida loo qabo dib-u-eegista awoodaha loo dhiibay Trump ee madaxweynenimo, Sababtoo ah waxa uu magacaabay markan qof lagu eedeeyay haween badan faraxumayntood.

Kerry ayaa la weydiiyay haddii uu doonayo inuu galo siyaasadda waxaanu ku jawaabay isaga oo kaftamaya in uu horey u sameeyay wax aan macquul aheyn.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso