Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga oo booqasho ku tagay laba Maalmood Qaadanaysa dalka Itoobiya

Addis Ababa, October 11, 2018 (Toggaherer) – Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giuseppe Conte ayaa maanta booqasho ku tagay Itoobiya taas oo qaadanaysa laba maalmood ah.

Waxa Garoonka Diyaaradaha ee Bole International ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Itoobiya Dr Abi Axmed.

Itoobiya kadib, wuxuu u safri doonaa Eritrea halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Dalkaasi Isaias Afewerki.

Ra`iisal Wasaare Conte ayaa doonaya inuu taageero heshiiskii nabadda ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Eritrea ay kala saxeexdeen bishii July ee sannadkan ka dib ku dhawaad 20 sano oo colaad ah.

Madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa booqday magaalada Addis Ababa sannadkii 2016.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso