Trump oo u Mahadnaqay Hogaanka Waqooyiga Korea!!!


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga mahadceliyay Waqooyiga Kuuriya go’aankeeda ahaa in ay burburiso Goobta Tijaabada Nukliyarka bisha May.

“Waqooyiga Kuuriya waxa ay ku dhawaaqday in ay burburin doonto goobta baadhitaanka nukliyarka bishan, ka hor shirwaynaha wayn ee 12-ka Juun. Waad ku mahadsan tahay talaabada fiican ee sharafta leh!” ayuu ku yidhi bartiisa Twitter ka Trump.

Pyongyang ayaa ku dhawaaqday in munaasabadda furan ay ku soo bandhigi doonto furfurista goobta Bongari ayna dhici doonto inta u dhexeysa May 23 ilaa May 25, iyada oo la fulinayo balantii hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un ee Bishii Abriil.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso