Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Xadhigga Ka Jaray Dhisme Cusub oo Loo Bineeyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Hargeysa:13-05-2018(ToggaHerer)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka Jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo loo bineeyey wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo uu weheliyo masaajid dhawr dabaq ah oo isla xarunta wasaaradda ku dhexyaalla, kaas oo loogu talo galay dadka musallinta ah.
Munaasibad ballaadhan oo xadhiga lagaga jaray maanta dhismahan cusub ay yeelan doonto wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland iyo masaajidka ku lammaan, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiirrada wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta, Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Caddaaladda, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Ganacsade Axmed Daahir Baxsane, culimaa’udiin, waxgarad iyo shaqaale-weynaha wasaaradda Diinta, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayey dhismaha cusub ee wasaaradda iyo cid kasta oo gacan ka geysatayba.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Mudane Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay wasaaraddu iyo dedaalkii dheeraa ee ay maamul ahaan usoo mareen sidii ay wasaaraddu u heli lahayd dhisme casri ah oo ay gaar u leedahay.
Qaar kamid ah culimada waaweyn ee ka hawlgasha xarunta wasaaradda oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahad-celiyey sida uu xilka iskaga saaray inay wasaaraddu hesho dhisme ay iskeed u leedahay oo muddo dheer ka maqnaa.
Ganacsade Axmed Daahir Baxsane oo isagu ah ganacsadaha ku deeqay dhulka laga dhisay xarunta wasaaradda iyo Masaajidka, ayaa isaguna farta ku fiiqay inuu ganacsade ahaan door biday inuu ugu deeqo goob dhismo looga hirgeliyo wasaaradda Diinta oo kamid ah wasaaradaha tiir-dhexaadka ah u xarumaha kala duwan ee hay’adaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa isaguna madaxweynaha u faah-faahiyey shaqooyinka ay qaranka u hayso wasaaraddu iyo hawlaha ay sida gaarka ah ugu taagan tahay, kuwaas oo ay ugu horrayso ilaalinta anshaxa suuban ee diinta Islaamka, waxana uu yidhi, “Mudane Madaxweyne waxa ay wasaaraddani u xil-saaran tahay horumarinta Diinta Islaamka, xagga Barashada, ku-dhaqanka iyo ilaalinta anshaxa guud, si loo helo muwaadin daacad ah oo Allah ka cabsanaya oo hawlkar ah, islamarkaana gudanaya hawl-maalmeedkiisa, isaga oo Diinta iyo manhajka saxda ah ku dhaqmaya, haddii ay tahay caqiido, cibaado iyo mucaamalaadba.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn si ballaadhan ugu mahadnaqay madaxda iyo shaqaale weynaha wasaaradda oo uu ugu horreeyo wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo ganacsade Axmed Daahir Baxsane oo isagu ku deeqay dhulka baaxadda leh ee laga dhisay xarunta wasaaradda iyo masaajidka ku dhex yaallaba.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hadallo waano iyo wax-sheeg ah u jeediyey culimaa’udiinka ka hawlgala xarunta wasaaradda iyo maamulkoodaba, waxana uu usoo jeediyey inay ku dedaalaan yaraynta khilaafaadka Diiniga, waxana isaga oo hadalkiisa sii wata uu yidhi, “Culimadu maanta way badan tahay, aqoontooduna way badan tahay, waxana suuragal ah inay kooxiba Iskuul gaar ah ama Maddarasad gaar ah ama sheikh gaar ah kasoo baxday, khilaafka iyo mesalooyinkana Ilaahay baa adduunyada u abuuray oo waa joogto oo waa dabiici, waayo ra’yigaa kasoo baxa oo waa la isku geeyaa, sidaas darteed waxan rajaynayaa inay ururiyaan afkaarta culimada oo aanu khilaaf diineed inagu dhicin oo la yareeyo oo Iskuulladaa iyo culimadaa kala duwan ee laga soo kala baxay, ay wasaaraddu awood u hesho in waxyaabaha hoose ee lagu marmaa aanu khilaaf culimo oo waaweyn inaga dhex abuurin.”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa maamulka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta usoo jeediyey inay mideeyaan Eedaanka salaadaha kala duwan, gaar ah waqtiga lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaanta, “Qodobka labaad ee aan doonayaa waa in la mideeyo Eedaamada salaadda, bisha Ramadaan ee aynu gelayno in ka Afurka la mideeyo iyo ka arooryo oo ay jiraan Eedaamo badani oo midba saacadda uu tooso ahi, diintana waa in la aloosaa oo shacaa’irta diinta kor loo qaadaa, laakiin waa inaanay keenin dhibaato, dad bukaana jira, markaa in la isku qiyaaso oo Eedaannadii la mideeyo oo kor loo qaado, iyada oo aan shacaa’irtii diinta meel lagaga dhacaynin weeye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana uu intaas ku daray,
“Qofka Bani’aadamka ahi laba nololood buu leeyahay oo midi waa tii aduunyada oo waa tii dhaweyd, midina waa waa tii lagu waarayey oo waa Aakhiro, markaa in wasaaraddu ay labadiiba ka shaqayso oo aduunyada qofkii bani’aadamka ahaa noloshiisii ay ka hawlgasho waxtarkeedii iyo wanaajinteedii, tii Aakhirona u diyaariso oo ay labadaada ku hoggaamiso.”
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu culimada iyo maamulka sare ee wasaaradda Diinta xusuusiyey inay yihiin haldoorka bulshadu ku hirato, islamarkaana wax-sheegooddu inta badan u furan yahay dhegaha shacabka ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland, waqtiganna waanadooda si gaar ah loogu baahan yahay, waxana uu yidhi, “Maanta xaaladaha jira waxa aynu kaga bixi karnaa culimada oo hawlgasha, marka aynu eegno dhibaatooyinka maanta dalkeena ka jira waxa soo noqnoqda dagaallada beelaha, hawsha ugu weynina culimada ayey kusoo beegmaysaa, haddii ay waano tahay, haddii ay run sheegtay iyo haddii ay xaqsoor tahay, wasaaradduna inay la dagaallanto qabyaallada, qaadka iyo mukhaadaraadku waa waajibka koowaad, waayo dhibaatooyinka maanta inoogu waaweyni waa qaadka iyo qabyaallada.”

Advertisement

Ku Xayeysiiso