Gudaha Ka Akhri 73 muhaajiriin Oo lagu Badbaadiyey xeebta Liibiya


Markabka Aquarius una kiraysan SOS Mediterranee iyo Médecins Sans Frontières ayaa 73 muhaajiriin oo ay ku jiraan 3 caruur ah ka badbaadiyey meel oo ka baxsan xeebaha Liibiya, sida ay sheegtay Agence France-Presse.

37 qof oo tahriibayaasan ka mid ah ayaa ka soo jeeda Aljeeriya halka inta kalena ay ka soo jeedaan Afrika-da Saxaraha ka hoosaysa waxaana ku jiray 12 haween, 9 hablood iyo 3 carruur ah.

Geesta kale Hay’ada Jarmalka ee nonchemy Sivuchs ayaa sheegtay in ay badbaadisay 19 qof oo ku socday dekedda Trapani ee Sicily.

Sida laga soo xigtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka, ciidanka xeebaha ee Liibiya ayaa badbaadiyay 241 qof, waxayna u celiyeen Liibiya, iyada oo tirada dadka soo galootiga ah ay sannadkan la celiyey ay kor u kacday ayna gaadhaysao 6400 oo muhaajiriin ah.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso