Madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Ethiopia

Madaxweynaha  Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah oo marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia mudane Abiy Ahmed Ali, ayaa madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka raacay diyaarad gaara oo uu Ra’iisal wasaaruhu u soo diray weftiga Madaxweynaha Qaranka Somaliland, waxaanu safarkoodu qaadan doonaa maalmo kooban.

Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha Qorshaynta iyo Horunarinta Qaranka, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, ku-xigeenka Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Ethiopia kaga sii horeeyo weftiga.

Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso