Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo balan qaaday in ay u yeedhi doonto isla markaasina cabashadooda dhagaysan doonto Ganacsato maalmihii u dambeeyay ka cabanaayay Dawlada Hoose ee Hargaysa

Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo balan qaaday in ay u yeedhi doonto isla markaasina cabashadooda dhagaysan doonto Ganacsato maalmihii u dambeeyay ka cabanaayay Dawlada Hoose ee Hargaysa. 8 gu

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa sidoo kale shirgudoomiyey Guddida Heer Qaranka ee dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

Kulan oo lagaga hadlayey arrimaha dib-u-dhiska Suuqa Waaheen isla markaasina ay ka soo qayb-galeen Guddida Heer Qaran ee Gurmadka iyo Dib-u-Dhismaha Suuqa Waaheen, Guddida Farsamada Dhismaha Suuqa Waaheen, qaar ka mid ah Taliyayaasha Ciidamadda JSL iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ugu horayn waxaa war-bixin ka bixiyey Hawlaha dib-u-dhiska Suuqa Waaheen Gudoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Suuqa Waaheen Sh. Cabdirisaaq Albaani, kaasoo sharaxaad dheer ka bixiyey sida ay u socdaan hawlaha dib-u-dhiska Suuqa iyo qorshayaasha Guddida.

Geesta kale mudadii shirku socday waxaa lagu gorfeeyey shirka sidii loo dardar-galin lahaa Hawlaha dib-u-dhiska suuqa Waaheen, maadaama oo ay muddo ka soo wareegtay xilligii uu suuqu gubtey.

Dhinacale Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo waxay dhegaysanaysaa cabashada ka soo yeedhay qaar ka mid ah Ganacsadatada Suuqa Waaheen, waana masuuliyadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Gunaanadka shirka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ka soo qayb-galayaasha shirka uga Mahad-celiyey sida ay u soo ajiibeen martiqaadkii uu u fidiyey iyo sida wanaagsan ee ay xogta iyo macluumaadka isku weydaarsadeen, waxaana uu xusay Wasiirku in kulamo kale ay iskugu iman doonaan, kuwaasoo lagaga hadli doono arrimaha suuqa Waaheen ee hadda ka taagan.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso