DEG DEG :- Somaliland ayaa si kulul u canbaareysay aqoonsiga ay dawlada Somaliya maanta siisay maamulka Khatumo

DEG DEG :- Somaliland ayaa si kulul u canbaareysay aqoonsiga ay dawlada Somaliya maanta siisay maamulka Khatumo .

 

Qoraal ka soo baxay wasaraada arimaha Dibada kuna qornaa afka English-ka ayaa lagu yidhi .

 

“ Xukuumadda Somaliland waxay si adag u caddaynaysaa in aanay Soomaaliya iyo Malleeshiyo beeleed midna ka talin ama sheegan Laascaanood.

 

Aqbalaadda Soomaaliya ee ku dhawaaqida Maleeshiyada, waa weerar badheedh ah oo lagu soo qaaday Qaranimada iyo wadajirka Somaliland ee xuduudaheeda 26 June 1960.

 

Waa wax laga naxo oo khatar ku ah xasiloonida Geeska Afrika.

 

Somaliland waxay haysataa madax-banaanideeda in ka badan 32 sano, iyada oo ka hirgelisay xuduudaheeda nabad, amni iyo dawlad dimuqraadi ah. Intaa waxaa dheer, waxay si weyn uga qayb qaadatay horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadii ay Soomaaliya dhawaan ku marti-gelisay oo ay ku aqoonsatay hoggaamiyeyaasha maleeshiyada Somaliland-diidka ah ee Muqdisho ku sugan, ayaa si weyn u khatar gelinaysa nabadda iyo nabadgelyada gobolka, taas oo caddaynaysa in Soomaaliya ay ka qayb-qaadanayso hurinta dagaallada iyo xasillooni-darrada Laascaanood billowgiiba.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa ugu baaqaysa Soomaaliya inay gabi ahaanba ka laabato taageerada ay siiso maleeshiyo beeleedka. Waxaan sidoo kale u soo jeedinaynaa beesha caalamka inay cambaareeyaan aqoonsigan “

Advertisement

Ku Xayeysiiso