Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida Gudoomiyeyaasha iyo ku xigeenada Gobolada Dalka.

Wareegtooyin Madaxweyne-18-10-2023.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilka ka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida Gudoomiyeyaasha iyo ku xigeenada Gobolada Dalka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

 

1. Ku: Maxamed Diiriye Xayd;

Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

2. Ku: Muxumed Xasan Jaamac;

Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Sida aad la socotaan, xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Guddoomiyihii Gobolka Daad-madheedh iyo Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Togdheer.

 

Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wareegtooyin madaxweyne ku magacaabay gudoomiye iyo ku xigeen cusub.

 

Waxaanay u dhignayd sidan:-

 

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

 

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

 

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Markaan Sameeyey: La-tashi;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

1. In Mukhtaar Cabdi Cabdillahi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

2. In Maxamed Nuur Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso