Wasiirka Wasaarrada Horumarinta Caafimaadka s/land mudane xasan maxamed cali gaafaadhi ayaa xafiiskiisa ku qabtay shir lagaga arrinsanayay qaabka loo waajahayo xumadda dengue Fever oo dalka mar labaad ka dilaacday

  1. Wasiirka Wasaarrada Horumarinta Caafimaadka s/land mudane xasan maxamed cali gaafaadhi ayaa xafiiskiisa ku qabtay shir lagaga arrinsanayay qaabka loo waajahayo xumadda dengue Fever oo dalka mar labaad ka dilaacday.

Kulankan waxaa kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, Agaasimaha Waaxda Adeega Caafimaadka iyo Horumarinta Cusbitalada, Isuduwaha Wasadara Caafimaadka ee Gobolka Maroodijeeh, Agaasimaha Cusbitaalka Guud iyo madaxda Cusbitaalada Gaarka loo leeyahay ee aan dawliga ahayn.

 

Dood dheer iyo falanqayn ka dib waxaa shirkan la iskula qaatay in la adkeeyo wadashaqaynta isla markaana la joogteeyo xidhiidhka wada shaqayneed ee wasarada iyo cusbitalada aan dawliga ahayn sidoo kale waxan laysla meel dhigay sidii looga horti lahaa xumada cusub ee hada wadanka ka jirta ee kududiyaha (Dengue fever), waxan kulankani ku soo gabo-gaboobay is afgarad iyo sidii adeega caafimaadka dalka meel looga soo wada jeedi lahaa guud ahaan dawlada iyo xarumaha gaarka loo leeyahayba.

 

Kulankan uu gudoominayay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka ee somaliland kana qabsoomay xafiiskiisa ayaa kusoo dhamaaday jewi deggen

 

Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda

Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso