Shaqaalaha iyo Masuuliinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gaar ahaan gobolka Maroodijeex ayaa habeenkii xalay ahaa sabootin iyo soo dhawayn u sameeyay madaxii hore ee wacyigelinta

Shaqaalaha iyo Masuuliinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gaar ahaan gobolka Maroodijeex ayaa habeenkii xalay ahaa sabootin iyo soo dhawayn u sameeyay madaxii hore ee wacyigelinta gobolka Maroodijeex Xamda Cabdirisaaq Maxamed iyo madaxa cusub ee wacyigelinta gobolka Maroodijeex Xamse Jaamac Xaaji Cali

Kulan oo ahaa mahadcelin iyo bogaadin loo mahadcelinayay madaxii hore iyo soo dhawayn dardaaran iyo duco ayaa waxaa hadalka iska daba qaatay dhamaan Masuuliintii iyo shaqaalihii Wasaaradda gaar ahaan gobolka maroodi-jeex oo xusay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabatay madaxii hore ee wacyigelinta sidoo kalena waxay soo dhaweeyeen sidoo kalena la dardaarmeen madax cusub ee wacyigelinta gobolka in uu halkaa kasii wado shaqadda, allena ku asturo xilka cusub ee loo dhiibay.

 

Isuduwaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka gobolka maroodi-jeex oo madasha hadalo duco, dardaaran iyo mahadnaq ah ka jeediyay ayaa dhankiisa ku amaanay masuulkii hore xilka u haysay sidii wanaagsnayd ee ay gudatay wajibaadkeedi qaran mudadii ay xilkan haystay, Isuduwaha ayaa dhanka kale soo dhaweeyay sidoo kalena la dardaarmay masuulka cusub ee la wareegay xilkan isagoo xoosta ka xaqiiqay in masuuliyada loo dhiibay uu u guto sida ugu haboon bulshada iyo qarankana ugu shaqeeyo, allena ugu baryay inuu ku asturo xilkan cusub ee loo igmaday.

 

Wa-bilaahi Tawfiiq

Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda

Horumarinta Caafimaadka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso