Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid iyo Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid iyo Wasiirka Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa kulan la qaatay wefti ka socdey Baarlamaanka Ingiriiska ay hogaaminayso MP Alicia Kaearns oo ah Gudoomiyaha Guddida Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Ingiriiska. Waxaa kale oo ka mid Mp Rushanara Ali iyo Xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayaa warbixin ka siiyey weftiga Xalaada guud ee nabadgelyada Somaliland oo ah mid ku taagan tiirar adag, iyadoo nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland ay macno wayn ugu fadhido nabadda geeska Afrika.

Dhinaca kale weftiga iyo Wasiiradda ayaa ka wada hadlay xidhiidhka Dawladda Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska, xidhiidh kaasoo ah mid soo jireen ah, Doorashooyinka, Dumuqraadiyada, Isbedelka Cimilada iyo xoojinta xidhiidhka labada dalka ayaa laga wada hadlay.
Kulankan waxaa Wasiirada ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil iyo Masuulin kale oo ka mid ah Wasaaradda.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso