Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa maanta daah-furay Shirka Lixbolood laha ah ee isku dubba ridka Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqada.

Hargaysa-July-29-2023- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa Maanta Daah-furay Shirka Lixbolood laha ah ee isku dubba ridka Barnaamijka Caafimaadka iyo Nafaqada, Shirkan ayaa waxaa Wasiirka ku Wehelinayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye, waxaana kasoo qayb-gelay agaasime Waaxdeedyada kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Isuduwayaasha Caafimaadka ee gobolada dalka, Agaasimayaasha guud ee Cusbitaalada Gobolada, Shaqaalaha Xarunta dhexe ee Wasaaradda iyo Haayaddaha kala duwan ee Wasaaradda kala shaqeeya dhamaan Barnaamijyada Caafimaadka.

Shirkan oo Socon doona muddo Saddex maalmood ah ayay Ujeedadiisu tahay sidii layskaga xog waraysan lahaa waxyaabihii ka qabsoomay Barnaamijyada Caafimaadka iyo Nafaqada Lixboloodkii lasoo dhaafay iyo caqabadaha jira sidii looga gudbi lahaa, Sidoo kalana Qorshe loogu Samayn lahaa Lixboloodka soo socda si loo qabto waxyaabaha ugu Muhiimsan ee ay Muddantahay in la qabto.

Ugu horayn agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye oo hadalo ka jeediyay Shirkan ayaa Hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay in Marwalba la qabto Shirar noocan oo kale ah si kor loogu qaado habsami u socodka adeegyadda Caafimaadka ee ka socda dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalka.

Gabagabadii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo shirkan si rasmi ah u daah-furay ayaa ugu horayn u Mahadceliyay kasoo qaybgalayaasha shirkan, isagoo xusay in shirkan looga baahan yahay in hoos loogu dhaadhaco Lixboloodkii lasoo dhaafay waxyaabihii aan qabsoomin iyo Caqabadaha jira Sidii loo xalin lahaa Sidoo kalana la sameeyo Qorshe lixda bilood ee soo socda lagu hago arimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Si loosii dardargeliyo adeegyadda Ay Wasaaraddu ka wado dhamaan dalka.

Kulankani ayaa ah qayb ka mid ah Xoojinta Isku Xidhka Wasaarada Iyo la Socodka Barnaamijyada Caafimaad ee lagu kobcinaayo Adeegyadda Caafimaadka ee Heer Tuulo, Degmo, gobol ilaa Heer Qaran, Waxaana la is Waydaarsan doonaa Doodo Horumarineed kuwaas oo ay ka soo bixi Doonaan Talooyin waxqabad oo lagu Kobcinaayo Adeegga Caafimaad ee Qaranka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso