Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ayaa maanta tababar u soo gabagabaysay Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag

Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ayaa maanta tababar u soo gabagabaysay Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag.

Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi iyo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa si wadajir ah u soo xidhay kulan xog iswaydaarsi ahaa, kaasoo ku saabsanwa doorka
Madax-Dhaqameedka ee Horumarinta Nabad Waarta.

kulankaasoo ka socday magaalada Ceerigaabo mudo sadex maalmood ah xafladii xidhitaanka ayaa waxa kasoo qaybgalay duqa magaalada Ceerigaabo Mudane Ismaaciil Xaaji Nuur Faarax, Taliyaha Qaybta Gobolka Sanaag Saleebaan Ubaxle, xubno ka tirsan Guddida Xoojinta Nabadgalyada Gobolka Sanaag iyo Madaxda Dhaqanka ee Gobolka Sanaag.

Ugu horeyn Agaasimaha Waaxda Dhismaha Nabada, Dhaqanka iyo Siyaasada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mudane Mustafe Ismaaciil Cabdi ayaa ka hadlay muhiimada ay u leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag in ay iska kaashadaan nabada iyo horumarinta xasiloonida gobolka, isagoo Agaasimuhu sheegay inay bar bilow fiican u tahay Madax-Dhaqameedka Gobolka Sanaag in si wadajir ah ugu wada xaajoodaan arrimahooda gaarka ah, iyagoo wada hadal iyo isfahan ku dhamaysanaya wixii ay ugu baahdaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha diyaar bay u tahay inay si dhaw ula shaqayso waxyaabahii lagu xusay kulankana uu noqon doono mid sida ugu dhaqsaha badan Wasaaraddu uga soo tala bixiso.

Taliyaha Qaybta Gobolka Sanaag Saleebaan Ubaxle, ayaa sidoo kale u mahadnaqay Wasaaradda Arrimaha Gudaha kulankan ay usoo qabanqaabisay uguna horeysiisay Gobolka Sanaag, wuxuu inta ku daray dardaaran guud oo nabada ah iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Duqa Degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo qaar ka mida Guddida xoojinta nabadgalyada gobolka Sanaag ayaa hadal dhiirigalin iyo dardaaran ah u soo jeediyey Madax-Dhaqameedkii kulankani u socday, iyadoo ugu danbayn uu u soo xidhay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Mudane Axmed Cabdi Muuse, isagoo madax-dhaqmeedka u soo jeediyey hadalo dardaaran ah iyo sidii loo xoojin laha nabadgalyada gobolka Sanaag, isagoo sidoo kale xusay in Madax-Dhaqameedku door weyn ka ciyaaran horumarinta nabad waarta, wuxuu inta ku daray in magaalada Ceerigaabo ay nabadoon tahay nabadaasina ay tahay mid bulshada Ceerigaabo ka wada shaqeeyeen amni daradanana meel uga soo wada jeestaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso