Fadhigii 111aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa warbixin guud oo la xidhiidha amniga dalka laga dhegeystay Wasiirku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Waxa kale oo goluhu war-biximo ka dhegeystay xubno ka mida golaha wasiirrada oo isugu jira guddidii nabadaynta shaqaaqadii gobolka Togdheer ee labada dhinac ee walaalaha ah ku dhexmartay oo shalay la soo afjaray iyo guddidii xuska sannad guurada 32aad ee 18-May oo golaha xogo ka siiyey guulihii ay ku soo dhamaadeen hawlihii loo xilsaaray.

Advertisement

Ku Xayeysiiso