Imran Khan Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan oo xorriyadiisa dib u helay

Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo xorriyadiisa dib u helay

Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan ayaa xorriyadiisa dib u helay ka dib markii ay garsoorku soo saareen go’aanka sii deyntiisa.

Imran Khan waxaa xadhigiisa gudaha Paksitan uu ka abuuray bannaan baxyo rabashado wata.

Markii la sii daayey ayuu isla xalayba gaarey magaalada uu ka soo jeedo ee Lahore iyada oo kummaanan taageerayaashii ahi ay soo dhoweeyeen.

Hadal kooban oo warbaahinta siiyey ayuu Imran Khan ku sheegay in xadhigiisa uu ka dambeeyey Sayid Caasim Muniir halka uu ammaan badan u soo jeediyey golaha garsoorka oo ka hor yimi xabsigii loo taxaabay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso