Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta Magaalada hargaysa ka Daah-furay Kulan lagaga arin sanayay Xanuunada aan Faafin

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa maanta Magaalada hargaysa ka Daah-furay Kulan lagaga arin sanayay Xanuunada aan Faafin.

Kulankan oo ah mid laba Maalmood Socon doona ayaa Waxaa kasoo qayb-gelay Masuuliyiin kala Duwan oo ka Socotay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Qaar ka mid ah haayaddaha wada shaqaynta la leh Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Ugu Horayn agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo kulankan Hadalo kala duwan ka Jeediyay sidoo kalana si rasmi ah u daah-furay ayaa ugu Horayn u Mahadceliyay Hay’addaha kasoo qayb-gelay Kulankan, isagoo ka Waramay dadaaladii iyo Juhdigii ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku soo gelisay sidii ay wax uga qaban lahayd Xanuunada aan faafin, iyadoo Nolosheenuna Mudooyinkii u dambeeyay ay usoo wareegtay dhanka Magaalada Taaso qayb ka qaadan karta kor u kac ku imaada Xanuunada aan Faafin, Sida Macaanka, Dhiikarka iyadoo berigii hore la odhan jiray Waa xanuuno ay keento ladnaantu, Balse hadda aad Mooda in ay ku badan yihiin dadka Dan,yarta ah.

Agaasimaha guud ayaa sidoo kale Xusay inay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku iyadoo ka duulaysa wax ka qabashada Xanuunada aan faafin, inay dardargelisay Sidii wax looga qaban lahaa Siyaasad Cadna oo lagaga hawl galana loogu Samayn lahaa, Sidookalana la dhaqan gelin lahaa Siyaasadaasi ay ku hawlan tahay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso