DIB U DHISKA SUUQA WAAHEEN IYO DOCA DOCAYN KU SOCOTA DAWLADDA HOOSE EE HARGEYSA

DIB U DHISKA SUUQA WAAHEEN IYO DOCA DOCAYN KU SOCOTA DAWLADDA HOOSE EE HARGEYSA.
Hordhac:
Dhismayaasha gubtay ee Suuqa Waaheen waxay ka koobnaayeen laba qaybood 1) Dhismayaal gaar loo leeyahay oo shacab (B1-B24) iyo 2) Dhisme (Mall/A1) ay leedahay Dawladda Hoose ee Hargeysa (DHH).
Samaynta nashqadda dib u dhiska Suuqa Waaheen guud ahaan waxaa iska lahaa DHH oo u igmatay Gudida Farsamo. Gudida Farsamada ee Suuqa Waaheen waxay ka koobantahay 2 Xildhiban (injineero) oo DHH magacawday iyo 3 Injineer oo Wasaarada Howlaha Guud soo magacday si xal ah oo khilaafkii hore ee u dhaxeeyey DHH iyo Wasaaradda hawlaha Guud loogu soo afjaray.
Gudida Farsamo ee suuqa waaheen iyaga ayaa soo dhameystiray Nashqadihii oo dhan ( qaybta Shacabka iyo Qaybtii DHH) iyaga oo la kaashanaya shirkadii qandraaska Nashqadaynta suuqa Waaheen ku guuleysatey ee (MMC & SEMA SURVEYOR).
Bixinta Qandaraasyadda:
Dhamaanba bixintii Qandaraasyadda ee dib u dhiska guryaha gaarka loo leeyahay ee gacanta lagu hayo dhismahooda waxaa bixiyey mulkiilayaashii lahaa iyaga oo la kaashanaya Gudida Farsamo ee Suuqa waaheen oo metalaysa DHH/WHG. Guddida Qandarasyada Qarankuna wax lug ah kumay lahayn, Howshaasina si haboon ayey u socotaa hada.
Haddaba Gudida Farsamo ee Suuqa Waaheen waxa ay ka war sugayeen gudida qandraasyada qaranka (GQQ) in ay ka wada tashadaan howshii Qandras bixinta Dhismaha Mallka (A1). GQQ waxay habkan noola dhameystireen Qandraaskii Nashqadaynta Suuqa.
Guddida Farsamada Suuqa Waaheen waxay ay wax Ka bedel ku samaysay nashaqaddii hore bedel ee Dhismaha DHH (Mall A1) oo sideeddii hore ee shirkadood ee loo bandhigay ku soo qiimaysteen qiime sare oo aan lacag loo hayn. taasina waxay keentay in naqshadda wax laga bedelo.
GQQ waxay meel dhexe ka leexiyeen howshii oo ay iska naadiyeen Qandaraaska iyaga oon Nashqadii Cusbeydba aan heynin cidina la tashan, qiimihii oo xadidana aan gacan ku hayn. GQQ laba maalmood kadib naadinta qandaraaska ayey heleen Nashaqada cusub.
GQQ may shaacin qiimaha ay ku siiyeen shirkada “Inyatsi” hase yeeshaa Shirkada lafteeda ayaa shaacisay inay lacag dhan 500Billion oo lacagtooda ah qandaraaska ku qaateen, taas oo u dhigata $27 Million oo Dollar. Sida Cad waxaa naadada danbe aan ka mid ahayn 8dii shirkadood ee laga soo xulay shaacimihii hore ee nashqadii hore ee laga guurey. Siddeeddii Shirkadood ee (short list) ku soo baxay shaacintii hore lama siin wax fursad ah oo ay ku qiimaystan Nahqada cusub ee shirkadda fool eregga ah ee aan la hubin, lana hubsan la siiyey. GQQ waxay samaysay ka talaabsadho xeer iyo Isha shacin shirkad aan laysla hubsan.
Sharci baal marka Gudida Qandraasyada Qaranka ay ku sameeyeen Xeer 82/2018:
Gudiga Qandaraasyadda qaranku iyadoo jebisay Xeer Lr. 82/201 qaybtiisa 3aad qodobkiisa 29aad xubintiisa 1aad faladhka (b) waxay naadisay in Dhismaha Dawladda Hoose ee Suuqa Waaheen ( Mall A1) ay ku guulaysatay Qandaraaska dhismaha Shirkada INYATSI.

Xeer Lr. 82/2018 qaybta 3aad qodobkiisa 29aad xubintiisa 1aad faladhka (b) ee ku saabsan GUDDIDA QIIMAYNTA CODSIYADDA IYO NAADOOYINKA oo Ka kooban 5 xubnood ( 2 xubnood oo hay’ada leh masruuca oo noqonaysa DHH oo uu Maayarku soo magacaabo iyo 3 xubnood oo uu soo magacaabo gudoomiyaha Gudida Qandaraasyadda Qaranku).
Hayadda Qandaraaska is ka lehi waa Dawladda Hoose ee Hargeysa. Gudida Qandaraasyadda Qaranku way ka booday xubnihii DHH ee GUDDIDA QIIMAYNTA CODSIYADDA IYO NAADOOYINKA, wax arrinna kama waydiin qandraslahan danbe ee naqshadda cusub.
Dawladda Hoose wâxay ku qiimaysay in lagu dhisi dhismaha DHH ee Mall A1 inta u dhaxaysa $18 Million, waxaana la naadiyey in Qandaraaska shirka cusub lagu siiyey 27 Million, lacagtaas oo Gudiga Dhismaha ee Suuqa Waaheen aanay hayb, sidaasna waxaa Gudidda Qardaraasyaddu mar labaad jebiyeen Qodobka 43aad ee tirtirida Nidaamada ama Diidida Naadooyinka xubinteeda(b) [GQQ waxay] Tirtiri kartaa nidaamada qandaraaska haddii:
ii. Aanay jirin maalgelin ku filan oo loo heli karo qandaraaska;
Sidaa daraadeed waxaan qabaa in Qandaraas kaa lasiiyey shirkadda ajaniba ah iyo faragelinta GQQ ee Suuqa Waaheen ay sharciga baal marsan yihiin oo ay DHH/Gudida Farsamo ee Suuqa Waaheen xaq u leedahay bixinta Qandaraaska iyo ilaalintaba. Sidaa daraadeed waxaa qandaraskaas bixintiisa ay shacisay GQQ ku gadaaman mugdi badan umana gudbi Karo in ay heshiis Ka Dhismaha wada galaan DHH oo ah Mulkiilaha Dhismaha Mall A1 iyo shirkadda IYANTI waana dib u dhac ku yimi habsami u socoshadii dib u dhiska Suuq Waaheen ee ay DHH gacanta ku haysay dadweynahuna in badan u samraayey.

Mudane/Eng. Cabdirisaq Maxamed Faarax “Wiiwaa”

Ka dheego hoos sharciga la baal maray.
Somaliland Public Procurement Law – Law No. 82/2018
Xeer Lr. 82/2018
QAYBTA 1AAD QODOBADA
Qodobka 2aad
Eray-Bixin
Xeerkani, haddii aanu nuxurka si ka duwan u dhigayn ereyadani waxay yeelanayaan
macnaha soo socda: –

Guddida: Waxaa loola jeedaa Guddida Qandaraasyada Qaranka ee lagu
abuuray Xeerkan, Qodobka 14aad ee Xeerkan.
Gudida Qandaraas Bixi: Waxaa loola jeeda guddida Qiimaynta codsiyadda iyo naadada
lagu dhisay Qodobka 29aad ee Xeerkan.
Haay’ada Qandaraaska
Iska Leh: Waxaa loola jeedaa hay’ad kasta oo qaran oo loo qaadayo
qandaraas si waafaqsan Xeerkan.
Hay’adaha Qaranka:- Waxaa loola jeedaa hay’ad kasta oo wax laga siiyay qoondaynta
miisaaniyadda iyo masuuliyada qorshaynta iyo isticmaalka
lacagahan waxaana ka mid ah kuwan soo socda: Wasaaradaha
Dawladda Dhexe iyo Waaxahooda iyo Wakaaladahooda,
Golayaasha Deegaanka, wakaaladaha Qandaraas hoose la siiyay,
shirkadaha dawladdu leeyahay, hay’adaha Sharci dajinta,
hay’adaha dawladda, iyo hay’ad kasta oo gaar ah oo looga
qoondeeyay miisaaniyadda lacag.
Heshiis: Waxaa loola jeeddaa heshiis qoran oo u dhaxeeya Hay’ada
qandaraaska iska leh iyo ganacsadaha, qandaraaslaha ama la-
taliyaha ku guulaystay qandaraaska.

Somaliland Public Procurement Law – Law No. 82/2018
Xeerka Qandraasyada Qaranka Xeer Lr. 82/2018

QAYBTA 3AAD GUDDIDA QIIMAYNTA CODSIYADDA IYO NAADOOYINKA
Qodobka 29aad
Guddida Qiimaynta Codsiyadda iyo Naadooyinka
1) Guddida Qiimaynta Naadooyinka iyo Codsiyaddu waxa ay ka koobnaan doonaan shan
xubnood oo kala ah: –
a) Laba xubnood oo ka socda hay’adda mashruuca qandaraaska iska leh oo uu soo
magacaabo Wasiirku ama Guddoomiyaha Hay’adda, oo aqoon/khibrad u leh
qandaraasyadda guud ahaan ama gaar ahaan qandaraaska laga hadlayo, iyo saddex
xubnood oo ka socda Guddida Qandaraasyadda Qaranka, oo uu soo magacaabo
Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyadda Qaranku.
b) Xubnaha ka socda Wasaaradda/hay’adda mashruuca qandaraaska iska leh waxa
uu xilkoodu noqdo in ay hubiyaan qeexidda farsammo ee shayga ay doonayaan,
halka xubnaha Guddida Qandaraasyadda Qaranka ay awood u leeyihin kala saarida
cida ku tartamaysa qandaaska ee soo xaraysatay codsigooda.
c) Guddooyaha Guddida Qandaraasyadda Qaranku markuu helo codsiga hay’adda
ay khuseyso iyo magacyadda xubnaha matalaya waxa uu soo magacaabayaa
xubnaha Guddida.
d) Guddidu waxa ay xaaladaha loo baahdo adeegsan kartaa la-taliyayaal
farsamo.
e) Guddida fadhiyadoodu waxa ay noqon doonaan muddada ay shaqeyanayaan
xarrunta Guddida Qandaraasyadda Qaranka waxana xoghayn u noqondoona xubin
uu magacaabo Guddoomiyuha Hay’adda Qandaasyadda Qaranku.
Qodobka 30aad
Shaqooyinka Guddida Qiimaynta
1) Shaqooyinka iyo hawlaha Guddida Qiimaynta Codsiyada waxa ay noqonayaan sidan
soo socota: –
a) Diyaarinta, daabacaada iyo qaybinta yeedhmooyinka (invitations) naadada iyo
waraaqaha naadada.
b) Qabashada iyo illaalinta codsiyadda qandaraasyadda.
c) Furida codsiyadda naadada iyada oo la raacayo qodobada Xeerkan.
d) Qiimaynta naadada iyaga oo adeegsanaya farsammo yaqaano iyo la-taliyayaal si
ay si hufan u qiimeeyaan naadooyinka iyo qorshayaasha kale iyo samaynta soo
jeedimaha bixinta heshiiska.
e) Diyaarinta kulanadooda iyo qiimaynta guud ee codsiyada qandaasyadda.

Qodobka 36aad
Wakhtiga La Galayo Heshiisyada
Marka laga reebo xaalada gurmadka deg-dega ah iyo haddii marka horeba laga
ansixiyo Gudida Qandaraasyada, Hay’adda Qandaraaska iska lihi lama gali karto heshiis
qandaraas illaa iyo ugu yaraan afar iyo tobanka (14) maalmood ay dhamaadaan oo ka
billaabmaysa ogaysiinta bixinta heshiiska tartamaha ku guulaystay iyada oo la raacayo
Qodobka 68aad(4): 4) Heshiiska lama saxeexi karo, illaa iyo 14 casho kadib, oo daba socda bixinta
ogaysiintaasi si loogu ogolaado tartame kasta oo lagu gafay in uu cabasho keeno ama
rafcaan qaato.
Qodobka 43aad
Tirtirida Nidaamada ama Diidida Naadooyinka
1) Guddida Qandaraasyadu waxay:
a) Diidi kartaa dhammaan naadooyinka wakhti kasta oo ka horeeya
ogolaanshaha/aqbalida naado;
b) Tirtiri kartaa nidaamada qandaraaska haddii:
i. Baahidii qandaraasku aanay jirin ama ay si weyn isku badashay;
ii. Aanay jirin maalgelin ku filan oo loo heli karo qandaraaska;

Advertisement

Ku Xayeysiiso