Wasaarada arimaa gudaa Somaliland ,Qoraalkaasi haduu sax yahay oo uu yahay mid uu qoray Wasiirka Arimaha Guduhu, marka koowaad waa qoraal sharci darro ah oo si cad sharciga iyo madaxbanaanidii komiishanka uga soo horjeeda

Qoraalkaasi haduu sax yahay oo uu yahay mid uu qoray Wasiirka Arimaha Guduhu, marka koowaad waa qoraal sharci darro ah oo si cad sharciga iyo madaxbanaanidii komiishanka uga soo horjeeda.

Waxaanu caddayn u yahay in uu Kulmiye rabo in uu jidkii doorashooyin xor oo dalka ka dhaca uu soo xidho, islamarkaana uu rabo in Komiishanka doorashooyinku noqdo waax hoos tagta Wasaarada Arimaha Gudaha.

Xaqiiq ahaan se gudcur ayay gudayaan oo waxa ay ku fikirayaan wax aan marnaba u suurto galayn. Talaabo kasta oo dhinaca doorasho diidka ay u qaadaana waa tu cimrigooda soo yarayn doonta.

Sidoo kale tani waxa ay ku tusaysaa in aan Maxamed Kaahin iyo qayrkii kaba war haynin dareenka bulshada iyo halka uu dalku maraayo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso