Maayirka caasimada Cabdikariim Axmed Mooge ayaa shalay sirasmiya u Daahfuray shirweynaha Maareynta Masiibooyinka ee heer degmo.

Maayirka caasimada Cabdikariim Axmed Mooge ayaa shalay sirasmiya u Daahfuray shirweynaha Maareynta Masiibooyinka ee heer degmo.

Cabdikariim Axmed Mooge duqa caasimada Hargeysa ayaa shalay sirasmiya u daahfuray shirweynaha maareynta masiibooyinka ee heer degmo, kaas oo ay iska kaashadeen qabanqaabadiisa ururka dowladdaha hoose ee Algasal iyo ururka dowladdaha hoose ee Holand oo ay wakiil ka tahay hay’adda VNG.

Daahfurka shirkan waxa ka soo qaybgalay 20 degmo doorasho, iyada oo ujeedada shirkani uu ahaa in xafiisyada dowladaha hoose lagu daro Waax ka shaqaysa maareynta masiibooyinka.

Maayirka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay intii ay sameeyeen xafiiska maareynta masiibooyinka in xogta masiibooyinku ay joogto ahayd halka markii hore ku soo boodo ay ahaan jirtay.

Geesta kale waxa uu sheegay in xafiiska maareynta masiibooyinka ee dowladda hoose ee Hargeysa uu u sheego xadiga roobka la filan karo in uu da’o iyo dhibaatooyinka la malayn karo, iyo sidoo kale meelaha dhibaatooyinkaaasi ay ka imanayaan.

Gaba’gabadii waxa uu sheegay in dowladdaha hoose ee magaalooyinka Hargeysa iyo Burco laga hirgeliyo xafiisyo ka shaqeeya maareynta masiibooyinka, waxaanu xusay in sidii loogu talo galay ay u shaqeeyaan, waxaanu codsaday in degmooyinka kalena xafiisyo sidan oo kale uga shaqeeya maareynta masiibooyinka laga hirgeliyo

Advertisement

Ku Xayeysiiso