Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay Kauko Aaitoma madaxa Bari Afrika ee EUCAP Mission, kaasoo dhowaan la soo magcaabay.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay Kauko Aaitoma madaxa Bari Afrika ee EUCAP Mission, kaasoo dhowaan la soo magcaabay.
Kulankan ayaa ku saabsana wada shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo EUCAP, iyadoo EUCAP si toosa ula shaqayso Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo hoos yimaada Wasaaradda Arimaha Gudaha. Kulankan ayaa ahaa isbarasho Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Madaxa Bariga Afrika ee EUCAP Mission.

Waxaa kale oo kulankan lagaga wadahadlay xoojinta wada shaqaynta Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Xafiiska EUCAP Mission, gaar ahaana taageerada Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ilaaliya badda Jamhuuriyadda Somaliland oo aad u dheer, iyadoo Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ay ku guulaysteen ammaanka Badda dheer ee Somaliland.

Kulankan Wasiirka waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Hurre Haariye iyo Masuuliin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Dhinaca kale Madaxa Bari Afrika ee EUCAP Mission waxaa kulankan ku wehelinayey
1. Kenneth NEIJNESS
Madaxa Xafiiska EUCAP Somaliland

2. Mahad Ahmed Xidhiidhiyaha EUCAP iyo Somaliland

3. Mohamed Ibrahim Latiyaha Siyaasad ee EUCAP.

Advertisement

Ku Xayeysiiso