Xuska maalinta Qaaxada aduunka oo Hargeysa siweyn looga xusay saaka .
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ayaa maanta Ka qayb-gelay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxadda Adduunka oo Sannad kasta laga Xuso guud ahaan dunidda.



Hargaysa-22-03-2023-()-Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa maanta ka qayb-gelay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxadda aduunka oo sannad kasta laga xuso guud ahaan Caalamka.
Munaasinada lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Qaaxadda aduunka ayaa waxaa kasoo qayb-gelay Isuduwaha Caafimaadka ee gobolka Maroodijeex, Agaasimaha Xafiiska Xakamaynta xanuunka Qaaxada, Masuulin ka socotay Hay’addaha Caalamiga ah ee ay Wasaaradda wada shaqaynta leeyihiin, qaar ka mid ah Masuulinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudan iyo Marti sharaf kale.
Halku dhiga Sannadkan oo ahaa “HAA WAAN DABAR-GOYN KARNAA” Ayaa waxaa hadalka iska daba qaatay Masuuliintii kasoo qaybgashay Munaasibadda iyadoo dhamaantood si isku mid ah uga waramay Xanuunka qaaxadda iyo dhibaatooyinkiisa, Bulshadana la wadaagay sida ugu haboon ee looga hortagi karo xanuunkan oo ka mid ah xanuunada ugu badan ee aadka ugu faafa dunida.
Madaxa Xafiiska Xakamaynta xanuunka Qaaxada Dr. Bashiir Cabdi Saleebaan oo sidoo kale ka Waramay Qorshaha u dagan Xafiis ahaan ayaa sheegay in dadka maanta usoo dhaca Xanuunka Qaaxadda oo ah 100kun ee qofba 256 inay soo dhacaan, ay ku Rajo-weynyihiin inay saddex Sano kadib inay gaadho 100kun ee qofba 115 qof.
Masuulin ka Socda Haayaddaha Caalamiga ah ee ay Wada Shaqaynta dhaw leeyihiin Wasaaradda ayaa Sidoo kale dhankooda, hoosta ka xariiqay Marwalba diyaar u yihiin inay Wasaaradda kala shaqeeyaan sidii loo dababar goyn lahaa Xanuunka Qaaxadda.
Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa ku baaqay in guud ahaan reer Somaliland, Shacab iyo Xukuumadba layska kaashado oo loo Midoobo sidii loo dabar-goyn lahaa Xanuunka Qaaxadda oo ka mid ah xanuunada sida aadka ah u faafa ee ka jira Dunidda.
Wa-bilaahi Tawfiiq
Abdishakour Fahiye
Xafiiska Warbaahinta ee Wasaaradda
Horumarinta Caafimaadka JSL.
