Jaamacadda Beder oo heshiis la gashay laba Jaamacadood oo ku yaala dalka Tunisia.
Jaamacadda Beder ayaa waxa ay ka qayb gashay shir caalamiya oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Midawga Jaamacadaha Carabta kaas oo ka dhacay dalka Tunisia ,shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Jaamacadaha xubnaha ka ah ururka oo ay ka mid tahay Jaamacadda Beder ,waxaana lagu gorfeeyay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Jaamacaadka Carabta waliba dhinaca adeegsiga tignoloojiyadda.
Jamacadda Beder oo xubin ka ah ururka ayaa waxa ay halkaasi heshiis wada shaqayneed la gashay Jaamacadda weyn ee University of MONASTIR ee ku taala dalka Tunisia oo ah Jaamacadda afraad ee dalka dhinaca tayada,waxaana heshiiska kala saxiixday Gudoomiyaha Jaamacadda Monastir Proff Hadi Bel Had Salax Iyo Gudoomiyaha Jaamacadda Beder Mubarik Ibrahim Aar.
Waxay sidoo kale Jaamacadda Beder heshiis wada shaqayneed la gashay Jaamacadda caanka ah ee University of SOUSSE ee ku taala magaalada caanka ku ah dalkiiska ee Wadanka TUNISIA. Waxaa dhinaca Jaamacadda beder heshiiska u saxiixay Gudoomiyaha Jaamacadda Mubarik Ibrahim Aar halka Jaamacadda Sousse uu u saxeexay gudoomiyaha Jaamacaddaasi Dr Ludfi Banqaasim.
Ururka midayga Jaamacadaha Carabta ayaa ah urur ay ku midoobeen in ka badan sadex boqol oo Jaamacadood oo ku yaala dalalka carabta.