Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL ayaa qabatay shir lagu soo bandhigaayay qaabka loo maamulayo mashruuca banka Aroori.

Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga JSL ayaa qabatay shir lagu soo bandhigaayay qaabka loo maamulayo mashruuca banka Aroori.

Mashruucaas ayaa waxa hirgelintiisa iska kaashanaaya wasaaradda iyo Sanduuqa horumarinta Soomaliland (SDF).

Shirkan waxaa lagu soo bandhigay qaabka ugu haboon ee hawl socodsiinta seeraha loo agaasimayo, waxaana khubaradu soo diyaariyeen docmant-tiyo ay ku qoranyihiin qaabka maamul ee seeraha, hawl socodsiinta iyo sidii uu u noqon lahaa mashruuc si joogtaysan ugu adeega bulshada xoolo dhaqatada ah.

Shirkaas oo uu gudoominayay Wasiirka Wasaraddan Siciid Sulub Maxamed ayaa ku soo dhamaaday isafgarad. Shirka waxaa ka soo qaybgalay khubaro ka socota mashruuca SDF iyo saraakiisha wasaradda xananada xoolaha iyo horumarinta kallumaysiga oo gacan siinaya.

Advertisement

Ku Xayeysiiso