Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta kullan mahadnaq iyo dhiirigalin ah u qabtay shaqaalihii Xafiiska Xidhiidhka KDQ (Call-Centre staff)

Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta kullan mahadnaq iyo dhiirigalin ah u qabtay shaqaalihii Xafiiska Xidhiidhka KDQ (Call-Centre staff) ee ka soo shaqeeyey hawlgalkii Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha 2022/2023. Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha KDQ, Agaasimaha Guud KDQ, iyo qayb ka mid Agaasimeyaasha waaxaha KDQ.

Xafiiskan xidhiidhka KDQ oo qaabilsan ka jawaabista cabashooyinka iyo xog-siinta dadweynaha, haggida shaqaalaha iyo cilad-saarayaasha, xog-ururinta maalinlaha ah ee goobaha Diiwaangalinta Codbixiyeyaasha.

Gudoomiye KDQ Md. Muuse Xasan Yuusuf oo ay wehelinayaan xubnaha KDQ ayaa shaqaalaha uga mahadnaqay sidii hawlkarnimada ahayd ee ay u guteen waajibaadkooda shaqo isla markaana ay uga qaby qaateen hawlaha Diiwaan-galinta Codbixiyeyaasha Qaranka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso