Heegada faraha badan iyo taageerayaasha khusuusiga ah ee Madaxweyne Muuse jecel ee sida wayn maanta khudbada Ciro u soo dhaweeyay ee leh khudbad wanaagsan oo kuwii hore ka duwan ayuu jeediyay aan warkooda idiin yar fasiro.

Heegada faraha badan iyo taageerayaasha khusuusiga ah ee Madaxweyne Muuse jecel ee sida wayn maanta khudbada Ciro u soo dhaweeyay ee leh khudbad wanaagsan oo kuwii hore ka duwan ayuu jeediyay aan warkooda idiin yar fasiro.

Ma jirto khudbad ka duwan kuwii hore oo uu maanta Ciro jeediyay oo awal hore ba dhamaan khubadaha uu jeediyaa waxa ay ahaayeen kuwo tan uu maanta jeediyay la mid ah oo uu Danta Guud kaga taliyo. Mar walbana waxa uu ahaa si aan loo kala tagin nin isagu tanaasula oo iska diida in uu Madaxweyne Muuse iyo Xukuumadiisa ula wado sida ay arimaha u wadaan.

Waxa maanta Heego iyo taageerayaasha khusuusiga ah ee Madaxweyne Muuse jecel luqadoodi badalay ee ay u leeyihiin waa khudbad wanaagsan maaha nasteex iyo wanaag qalbigooda ku duxay ee waxa hadalkaa ka yeedhsiiyay xaalada ay ku sugan yihiin oo ah xaalad naf lacaari ah oo taladoodi xumayd ay u soo urtay oo maanta mid walbaa hoos ayuu u hiqleeyay. Waxaanu mid walbaa hibataynayaa hadaladii hore uga dhacay ee wada tiiqtiiqsiga ahaa. Sida laysu joojin maay. Qaranku waa ka gudbay xilligii cid laga laaluushi jiray.. dee wad uun.

Ta kale waa filashadoodi xumayd oo hortooda ku beenoowday oo illaa xalay waxa ay filayeen in uu ciro sida xukuumada Muuse u dhaqmi doono oo isagoo qanjaha karinaaya uu madaxweyne Muuse ku tiiqtiiqsan doono. Islamarkaana uu jeedin doono khudbad lagu kala dareero oo ciil iyo cadho ka buuxdo.

Balse taas ilaahay Ciro umaba dhalin. Mar walba arinkiisu waa dal jacayl,dad isku wad iyo is dhul dhig aanu iska baadh baadhin ee dhalan ah.

Hadii shantii sano ee tagay halkiisaa uu qof sida mataan ciideed qalafsan ku jiri lahaana halkan ba layslama soo gaadheen ee beri hore ayaa feedhka laysu duuban lahaa oo la kala hayaami lahaa.

Maad wax barataan.

WQ Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela

Advertisement

Ku Xayeysiiso