Raysal Wasaare Abiy Ahmed Ali ayaa sheegay in hubka casriga ah lagu qalabaynayo ciidamada Itoobiya.

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Ali ayaa sheegay in hubka casriga ah lagu qalabaynayo ciidamada Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa ka qeyb galay Dugsiga Farsamada ee Awash Arba Combat Technical School, waxaana uu daawaday bandhigga milateri ee wadajirka ah ee Ciidamada Cirka iyo Mechanized Army.

Ra’iisul Wasaaraha ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dib u casriyeynta Ciidanka Cirka iyo Mechanization-ka, la dhisayo awoodda lagu soo afjarayo dagaalka hub casri ah iyo cudud kooban.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Field Marshal Berhanu Jula, Ku Xigeenka Taliyaha Ciidanka Asluubta General Pula Tadese, Taliyaha Ciidanka Cirka Lt. Gen. Yilma Merdasa, Gudoomiyaha Siyaasadda Federalka General Demelash Gebre Michael iyo Taliyeyaasha iyo Saraakiisha kale ee Difaaca, ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda.

Sida xogta aan kuhelayno Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaasi kadib tagay Xarunta Ciidanka Cirka ee Bishoftu, waxaana ay booqdeen hormarada diyaargarowga ah.

Ku biir kanaalkayaga YouTube-ka saxda ah si aad u hesho muuqaalkeena
https://www.youtube.com/c/EBCworld/
Ku biir kanaalkayaga Telegram-ka saxda ah si aad u hesho macluumaad degdeg ah
https://t.me/EBCNEWSNOW
Raac akoonkeena dhabta ah ee Tik Tok si aad u hesho muqaal gaaban oo aanu xulnay
https://www.tiktok.com/@ebc_tiktok

Advertisement

Ku Xayeysiiso