Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Masuulin Ka Kala Socday Shirkadda TMEA, Xafiiska Horumarinta Mashaariicaha Uk Iyo Xafiiska Uk Ay Ku Leedahay Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulan la qaatay masuulin ka kala socda xafiiska horumarinta mashaariicaha  Dalka Uk, shirkada Trade Mark East Africa (TMEA) iyo xafiiska Uk ay ku leedahay Jamhuuriyada Somaliland.

Waxaana kulankaa lagaga wada hadlay dardar-gelinta dhismaha waddada Berbera Corridor oo isku xidhi doonta, marin ganacsiyeedka Tog-wajaale iyo Berbera, oo ay barbar socoto dhismaha waddada Hargeisa Bypass. Sidoo kale waxa laga wada hadlay mustaqbalka wixii la iska kaashan karo ee ay ka mid tahay horumarinta kaabayaasha ganacsiga.

Waxa kale oo lagu lafo-guray kulankaasi qodobo ay ka mid yihiin horumarinta kastamyada waa weyn ee  kuyaala xuduudaha dalk, si loo fudaydiyo  Allaabooyinka ganacsi ee isaga gudbaya dalalka Geeska Afrika iyo fursadaha kale ee maalgashi ee la xidhiidha horumarinta ganacsiga iyo kaabayaasha dhaqaale.

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade,       Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash, Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

 

Dhinaca masuuliyiinta madaxweynuhu qaabiley waxay kala yihiin, Frank Matsaert, Dominic McVey, Damon Bristow, Chris Loughran, Stuart Brown, Abdi Osman iyo Cris Pym.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso