Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Madax ka Socotay Bangiga Adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu qaabiley madaxa Bangiga Adduunka Marwo Kristina Svensson oo ay wehelinayso Marwo Kaltuun Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sar-sare ee Bangiga Adduunka.

Waxaanu madaxweynuhu uga xog-waramay qadiyada madax-bannaanida Somaliland oo uu xusay in qarankani halkan ku soo gaadhay wada jirka xukuumadda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xiidhiidhka wada shaqayneed ee labada dhinac ee Somaliland iyo Bangiga Adduunka iyo sidii loo balaadhin lahaa, loona horumarin lahaa mashaariicda horumarineed ee bangiga adduunku ka wado gudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca weftiganu waxay ballan qaadeen inay dar-dar gelin ku samayn doonaan,  sidii loo wada shaqaynlahaa, dedaal iyo juhdi badana ay gelin doonaan mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka waddo Somaliland.

 

Waxaana madaxweynaha kulankaasi ku wehelinaayey wasiirradda wasaaradaha, Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale,           Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, mudane Cumar Cali Cabdillaahi Bade,    Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo La-taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr Cismaan Sheekh Axmed.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso