“Dhawaan Markii uu Boorama dhibku ka dhacay  waxa la faafiyay war aan jirin oo ah in….”  Waraysi Duqa Cusub Ee Boorama

“waxa dadka xumaan ku abuuraysa marka qof aan waxba ogayni uu beenta uu sheegayo  caalamka wada gaadhsiiyo

“Dhawaan Markii uu Boorama dhibku ka dhacay  waxa la faafiyay war aan jirin oo ah in….”

“Waa Inaan Dhulku Noqon Mid U Gacan Gala Cid Gaar ah  ama ay Tujaarta oo Keliyi ka Faaiideysato”

Boorama(Togaherer):-Maayerka Degmada Boorama ahna guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa ka hadlay dhibaatada danyarta ka haysata in ay helaan dhul ay degaan iyo
sida ay u wada shaqaynayaan Xukuumadda dhexe maadaama uu a soo baxay mid ka mid ah xisbiyada mucaaridka,waxaanu caddeeyay in uu u taagan yahay in ay u wada shaqeeyaan dadweynaha dawladaha hoose iyo dawladda dhexe,waxaanu intaa ku daray in si wada jir ah ay dawladda dhexe iyo dawladda hoose ee degmada Boorama ay u wada shaqaynayaan isla markaana dalka masuuliyaddiisa koobaad ay saaran tahay xukuumadda oo uu gadhwadeen u yahay Madaxweynaha qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu iftiimiyay sida dhulku ugu gacan galay dadka tijaarta ah oo uu sheegay in ay dhulka baan ka dhigteen ay lacagta ku kaydsadaan si ay ugu korodho.

Waxaa kale oo uu xusay in ay gacanta ku hayaan Seerayaashii danta guud ee degmada Boorama isla markaana ay olole nadaafadeed ay ka fuliyeen imimaka ay ka dhigayaan goobo dalxiis oo magaaladu ay leedahay.

Maayerka Degmada Boorama ahna guddoomiyaha golaha deegaanka Maxamed Axmed Warsame oo xafiiskiisa degmada Boorama waraysi gaar ah ku siiyay wariyeyaal ka socda warbaahinta qoraalka ah ee Dawladda  ee Dawan Media Group, ayaa ugu horrayn isagoo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay markii hore ee uu dibedda ka joogay shaqada dawladda hoose siday ula muuqatay iyo markii uu xilka la wareegay siday ugu kala duwanaatay,ayaa yidhi. “Markii horena waxaan ka shaqaynayay arrimaha bulshada dawdda hoosena waxaan u arkayay meel bixisa adeeg bulsho markaa taas ayaa ii fududanaynaysa in aan shaqadii dawladda hoose waxaa keliya ee aan u arkayay in laga gaabiyayna waxaa uu ahaa in aan arkayay in shaqadii iyo adeeggii dadka loo hayay aan sidiisii loo qaban oo wax dhiman yihiin waxaa aan ku shaqaynaynaana waxaa uu yahay in aan adeeggii dadweynaha loo qabanayay aan sida ugu wanaagsan ugu qabano.

Waxaa noo qorshaysan in adeegyada ay bulshadu u baahan tahay loo qabto isla markaana adeegyada dadweynuhu uga baahan yihiin dawladda hoose la wada gaadhsiiyo oo si daacad ah dadka loogu adeego.”

Maayerka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dhul ay degaan si ay u heli karaan dadka danyarta ah ee wax looga qaban lahaa dhulka qofba inta uu doono iska deyranayo,ayaa yidhi. “Inta badan dhulka Boorama Beeraha la iskuma haysto laakiin dhulka muranku ka taagan yahay waa dhulkii bootada oo ah halka biyuhu ka soo noqdaan inta ugu badana halkaas ayuu muranku ka jiraa, laakiin dhibaatada jirtaa waxay tahay dadka lacagta haysta ama tijaarta ahi dhulkii waxay ka dhigteen baan ay lacagta ku kaydsadaan si ay u korodho, markii ay ka tashadeen arrintaa wasaaradda Hawlaha guud iyo dawladaha hoose qawaaniin ayaynu leenahay uu dastuurka qaranku ugi sarreeyo waxaanu xeerku dhigayaa dhulka la qorsheeyo in laga jaro boqolkiiba soddon illaa shan iyo soddon taana waxaa u xil saaran wixii danta guud ah ee laga samaynayo in ay u qorsheeyaan wasaaradda Hawlaha guud iyo dawladda Hoose,dawladaha hoose waxay u xilsaaran yihiin guriyaynta markaa si taa loo gaadho waxay noqonaysaa in xeerka la fuliyo ka dibna dadkii danyarta ahaa ay u helaan dhul ay dhistaan oo jaban.

Taasina waxay u baahan tahay in la iska kaashado xeerkaa dhaqan galkiisa dhulkuna uu noqodo mid ay ka wada faa’iidaysn karaan dadka oo dhan mid danyar ah iyo mid wax haystaba marka xeerka dhaqan galkiisa la iska kaashado ee la fuliyo dawlad dhexe iyo dawlad hooseba waxaanu diyaar u nahay in aanu qaadano doorka aanu ku leenahay markaas ayay dadku dhul wada helayaan,laakiin waa in aanu dhulku noqon mid cid gaar ah gacanta u gala ama shaqsiyaadka tijaarta ah oo keliyi ay ka faa’iidaystaan.”

Maayerka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay Seerihii degmada Boorama cidda uu gacanta ugu jiro,ayaa yidhi. “Khamiistii ololihii nadaafadeed ee aanau ka samaynay degmada Boorama gaar ahaan xaafada Sheekh Cismaan waxaanu ku nadiifinay labadii beerood ee Seeraha Boorama oo ah dhul dan guud ah oo ay dawladdu leedahay oo qashin buux dhaafiyay,waanan nadiifinay, dhulkaasina waa dhul dan guud ah maaha dhul cid gaar ahi ay leedahay waa dhul dawladeed,imikna waxaan iska kaashanaynaa wasaaradda deegaanka sidii dhulkaa silig loogu xidhi lahaa isla markaana ay u noqon lahaayeen dhul dalxiis,dhulkaasna gacanta ayaan ku haynaa.”

Maayerka oo wax laga waydiiyay dhacdadii dilka ahayd ee ka dhacday Jaamacadda Cammuud iyo siday uga hawl galeen iyo waxa uga qorshaysan been abuurka baraha bulshada,ayaa yidhi. “Dhacdadaasi markii ay dhacday ee ardaygu ku dhintay markiiba si deg deg ah ayaan uga hawl galnay waxaana gacanta lagu soo dhigay askarigii oo isla markiiba la soo xidhay, qof walibana wuu dhimanayaa si ayuubaanu u dhimanayaa qofna ma oga siduu u dhimanayo iyo halka uu ku geeriyoonayo,laakiin waxa dhibaato ah oo aad u xun dadkana xumaan ku abuuraysa marka qof aan waxba ogayni uu been sheego ee uu walina beenta uu sheegayo u adeegsado baraha bulshada oo uu caalamka mar wada gaadhsiiyo been uu hal qof faafiyay oo waxyeelayn karta ammaanka umad dhan,markaa waxaan leeyahay bulshada sidaad u ogtihiin in beentu dambi tahay uga fogaada,markiiba waxaa la faafiyay war aan jirin oo ah in ardaygaa lagu dilay calan uu qaatay taas oo been ahayd cidda waxaas faafisayna waa cid aan dalka iyo dadka midna u tudhayn aakhiradeedana aan u tudhanayn,ALLE ha u naxariistee ardaygaa dhintay qaraabadiisa qaybo ka mid ahi Boorama ayay nala joogeen waanay ogaayeen siday wax u dhaceen,qoyskiisiina way yimaadeen arrintaasna gacantaa lagu hayaa waxaanay ku jirtaa hay’addaha sharciga.” .

Advertisement

Ku Xayeysiiso