Xisaabiyaha Baanka Laascaannood oo Olole Adduun badani ku baxay Ku Hungureeyey Xilka Badhasaabka Sool

Olole Lacag Badani Ku Baxday oo La weriyey in Xisaabiyaha Baanka Laascaannood ugu jiro Xilka Badhasaabka Sool.

Laascaanood (Togaherer) Wararka ka imanaya magaalo madaxda gobolka sool ee Laascaanood ayaa tibaaxaya in xisaabiyaha baanka Somaliland laantiisa Laascaanood Cabdifataax Ducaalle Baadari uu muddooyinkii u dembeeyey olole ugu jiray sidii uu u kasban lahaa waxgaradka iyo qaybaha bulshada gobolka, si ay uga taageeraan kaambayn uu ugu jiro in laga dhigo baadhasaabka gobolka sool. Xisaabiyaha oo warar hoose oo aanu helnay sheegeen in uu lacagtii qaranka iyo hantidii ummada u adeegsaday sidii uu kalsooni uga iibsan lahaa bulshada iyo wayeelka gobolka ee talada wax laga weydiiyo, isaga oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay inay madaxweyne Muuse iyo xukuumaddiisa uga dhaadhiciyaan in xilka guddoomiyaha gobolka sool loo magacaabi Mr. CABDIFATAAX Ducaale Baadari.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in masuulkan da’da yar oo raad barad ku ah shaqooyin ka  dawladnimo iyo haykalka qaranka isla markaana  uu shaqada baanka ka hayo oo ah xosaabiye ay tahay mid aan haba yaraa tee  meelna kasoo gelin arrimaha siyaasadda haddana uu lacagihii baanka ee uu masuulka ka ahaa uu sifo sharciga baal marsan U  isticmaalo isaga o aan waxba iskaga tirinayn sharciga baanka u yaalla iyo waxyaabah uu farayo ama ka reebayo.

Bal aynu eegno qoddobada sharci ee baananka Somaliland u yaalla iyo waxyabaaha uu ka reebayo ama  u ogolaanayo.

QODOBKA 5’AAD ee xeerka baanka dhexe, XEER Lr. 54/2012,  oo qeexaya
AWOODAHA MADAX BANAAN EE BAANKA SOMALILAND, waxaa farqadiisa 5aad iyo farqadiisa 6aad si cad u sheegayaan in xubin kasta oo ka tirsan baanku xil ka saaran yahay inuu kor u qaado sumcadda baanka, iskana ilaaliyaa wixii ka hor imanaya siyaasadda baanka.
Bal aynu eegno farqada 5aad waxay odhanaysaa
“Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Agaasimeyaasha iyo Guddiga
fulinta iyo xubin kasta oo shaqaalaha ka mid ah waxa xil ka
saaran yahay inuu kor u qaado sumcada Baanka Dhexe ee
Somaliland inuu yahay siyaasiyan Baan dhexe oo madax banaan
si simana ugu adeegaya Somaliland oo dhan, waana in xubin
kasta iska ilaalisaa wax xilkaa ka hor imanaya”.

Sidoo kale farqada 6aad waxay odhanaysaa “Xubnaha Gudida agaasimayaasha Baanka dhexe ee Somaliland
waxa ka reeban inay xubin firfircoon ka noqdaan arimo
siyaasadeed intay xilka hayaan”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso