“Isbedelka RH ka Muuqda Waxa Sababay Duruufihii lagala soo dabaashay” -Muuqaal 1992kii laga duubay radio Hargeysa oo hawada ku jirta

Isbedelka Maanta RH ka Muuqda Waxa Sababay Duruufihii loo dhabar adaygay ee ay  1992kii idaacaddu Ku shaqaynaysay”

Muuqaal 1992kii laga duubay Idaacadda radio Hargeysa oo hawada ku jirta

#Waa Muuqaal cusub oo laga duubay idaacadda radio Hargeysa oo xilligaas degenayd xayndaabka garoonka Timacadde. halka uu immika ku yaallo wargeyska Dawan. baahinta idaacaddu toos bay hawada ugu jirtay (on air) waxaana sida aad videoga ka daawanaysaanba studioha ku sugan weriyeyaal door ah. oo uu ugu horreeyo weriyihii ruugcaddaaga ahaa alla haw naxariistee #Axmed #Sh. Xuseen, oo baahinta duhurnimo ee maalintaas idaacadda furaya, waxaanu kusoo dhawaynayaa sh. Maxamed Macalin Cabdi Carab (waqtigaas ilaa maanta waxa uu ka mid yahay culimada idaacadda). sidoo kale waxa kamarada ka muuqda Weriye Xuseen Cabdillaahi deeqsi, Safiya cali Yousuf, Maxamed xuseen Cali, Xasan Shugri Aw Cali, iyo dabcan Aqoonyahan Muuse Dhegawayne. ila daawada bal jawigii maalintaas iyo halka xaal marayay

 

AHUN Weriye Axmed Sh. Xuseen

Sh. Maxamed Macalin Cabdi Carab

Qofka taagan xagga dambe waa weriye Xuseen Cabdillaahi Deeqsi

Advertisement

Ku Xayeysiiso