Dhamaan Maamulka Iyo Wariyayaasha Warbaahinta Togaherer Waxay Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Marxuun Suldaan Maxamed Sul Cabdiqaadir Oo Maanta ku Geeriyooday Hargaysa

Bahda Warbaahinta Togaherer Waxay Tacsi Tiiraanyo leh u diraysaa Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii iyo Dhamaan Qaranka Dadka Afka Somaliga ku hadla Ee uu Ka Geeriyooday Alleh ha u naxariistee Marxuun Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Oo Maanta ku Geeriyooday oo Maanta ku geeriyooday Magaalada Hargaysa ee Somaliland

Dhamaan Waxaanu ka tacsiyeynayaa Eheladiisii, Aqaariibtii Iyo Caruurtuu ka tagay Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. Waxaan Si Gaara uga tacsiyeynayaa Guud ahaan Reer Suldaan . Waxaan leeyahay Samir iyo Iimaan Alleh ha inaga Wada Siiyo Marxuumka Sidoo kale Waxaan Allaheena wayn Uga Baryeynaa in uu Naxariistii Jano Ka Waraabiyo Marxuunka Dambigisana Alleh uu dhaafo.

Marxuun Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Waxaa uu Ka mid ahaa Suldaadiinta faro ku tiriska ah ee ka soo hadhay Dhaqankii guunta ahaa ee  Gobolka Maroodijeex Gaar ahaa Magaalada Caasimada Ah Ee Hargaysa. Waxaan ku xusuustaa Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir  AHN Waxa uu ahaa Shaqiyar Gacan furan oo la saaxiib ahaa dhamaan da walba .

Ilaahay waxaan uga baryeynaa in uu janadii fardawsa ka waraabiyo Dambigiisana alleh uu dhaafo, qabrigana alleh uu u waasiciyo. Sido kale waxaa eheladii, Qaraabadii , Somaliland oo dhan aan Ilaahay uga baryeynaa in uu samir iyo iimaan ka siiyo. Qoyskii uu ka geeriyoodayna cawil Khayr Qaba alleh ugu badalo.

Amiin Amiin Amiin Amiin
“INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN”

“KULLU NAFSUL DAAIQATUL MAWT

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso