Mashruucii Abu Dhabi Fund For Development Ee Tamarta Qorraxda Ee BerBera iyo

Mashruucii Abu Dhabi Fund For Development Ee Tamarta Qorraxda Ee BerBera iyo kii Burco laga Furay Ma Sadaqad Buu Ahaa Mise Waxaa uu Ku Jiray Heshiiskii Maalgashi ee Dubai Ee Asma Coday?

 

Waxaa bishan January 12keedii laga furay magaalada BerBera mashruuc la inoogu sheegay in uu ka dhalin doono tamarta qorraxda oo  siin doona laydh ku filan magaalada BerBera kaasi oo ay ku bixi doonto adduunyo dhan 29.3 million oo Dirham, xaddigiisuna noqon doono 7MW, iyo ku kale oo Burco laga furay oo cisbitaal lagu sheegay laakiin ahaa MCH haddaba bilowgiiba waxaa ka soo baxaya mashruucyadan hadalo badan oo iska hor imanaya kuwaasi oo guddoomiyaha tuurta ku sita ee Xisbiga saaqiday goor walba dhaca ee UCID ee Faysal Cali Waraabe Dhurwaa uu inoo sheegay, in ay khalad tahay mashruucan oo la inoogu sheegay in ay Hayadda Abu Dhabi For Development ku sadaqadaysatay dadwaynaha Somaliland in haddana la yidhaa waxa lagu wareejiyay shirkadaha dhiig miiratada ah ee Korontoda qaaliga siiya Magaalada Berbera. Waxaase taa ka sii yaab badan markii uu isla guddoomiyahaasi sheegay in ay bilaa Baytariyo yihiin Solar Panels ku (Muraayadaha soo qabto iftiinka qoraaxda kaydiya hadhowna u badala tamar  la shito)

Maxaa ay Somalilnad  kala soo doooneen muraayadaha bilaa baytariga ah ? weeyi su’aashu, iyadoo waliba lagu sheegay in ay ku baxda adduun dhan 29.3 Dirham waa yaabkii Somaliland lagu yaqaanay ee haddana la leeyahay waxaa ku sadaqaystay hay’ada Abu Dhabi Fund For Development, oo sowtii la ina lahaa Dubai ayaa dhistay oo waxay ku jirtay mashruuci darafyada badnaa ee Dekeda BerBera ee Asma Coday.

Waar iska hormaadku badanaa, may meel uun isugu lugo duwato waxay taasi dhici lahayd haddii cid la xisaabtamaysaa jirto ninka Sheekh Maktuub oo si walba u dhex qaaday  Somaliland intii ay talada hayeen qoyskii Silaanyo oo waxa kaliya ay maqlaanba ay ahayd maalgashi iyo xaqul qalin, aniguse aan u haysto laaluush lagu helo (Contract). Magac cusub oo loola baxay kaasi oo ah xaqul qalin  waa halkii dilaalki saylada joogi jiray ee Macal qabad ee xalaalayn maayo, waxaaba intaa kan u dheer in mashruucan u uku gadaaman yahay shaki iyo isku hor imaad badan. Wali xaalkiisu ma cadda, ma waxa weeye mid sadaqo ah oo ka yimi Abu Dhabi Fund For Development, mise waxa uu ka mid ahaa maalgashiggii DP World ee Asma Coday? Waxaad is waydiin kartaa side ayaa uu naanaysatan ku xambaartay mashruucani? Waxaanu Naanaystaa ka soo dheegtay Qisaddii Hargaysa dhowr sanno ka hor ka dhacday ee lagu khiyaameeyay miskiinkii Furrinlaha ahaa kaasi oo ay Somaliland u dhiganto oo ay tahay Dhibbane Qoyska Siilaanyo iyo Sheekh Maktuub ama Sheekh Khiyaameeye kolba ka aad jeceshay ugu yeedhoo. Waxayse u egtahay in uu yahay mid sadaqo ah oo wax xidhiidh ah aan la lahayn heshiiska Indho sarcaad ee lagu dhaxal wareejiyay dekeda Berbera, halkaana ku xanbaartay naanaysta heshiiskii Asma Coday.

Waxaa taa cadayn u ah sida ay u kala yihiin labo shay oo kala duwan Abu Dhabi Fund For Development iyo xukuumadda Dubai ee Sheekh  Maktuub ee Dubai oo aanay marnaba isku mid u ahayn  heshiiskaana  aanu wax xidhiidh ah la lahayn kaasi oo xataa haddii uu ahaan lahaa mid ku sidkan heshiiskii Dubai Port ee Asma Coday uu fashil yahay mashruucan bilaa baytariyada ah ee Abu Dhabi iyo Dubai oo mid uu ka yimi aan la garanayn ilaa hadda. Haddiise uu ku yimi heshiiskii Dubai Port ee aynu ogayn siddi lagu marsaday gollaha fadhiidka ee wakiilada oo lagu sheegay in la hor geeyay Mucdii taasi oo ilaa hadda ku maqan ninkii uu Cigaal u bixiyay Usaame Bilaadinka Somaliland waa Maxamuud Xaashi e’, kaasi oo u qaabilsanaa qoyska Siilaanyo marsiinta heshiiska Asma Coday iyo tukhaatunta xildhibaanadda Wakiiladda. Waxase uu  kuu kala caddaan marka ay yimaadaan dad danka leh oo ka daba taga heshiiska been abuurka ahaa ee ay ka faaideen qoyskii Siilaanyo kaasi oo miyir doorsoon ku dhacay lagana faa’idaysaty mudaddii uu ahaa maqane jooga dadkuna u qabeen in madaxwayne xafiiska u fadhiyo  taasi oo u saamaxday in  qoyskii Siilaanyo dhan walba u dhex qaado qaranka aan loo tudhin.

 

Arrinka labaad ee toddobaadyadan Somaliland ka dhacay ayaa  ahaa mid ka sii yaab badan oo lagu sheegay in dhakhtarkii Hargaysa ee guud lagu caawiyay mashiino kaliyaha loogu sifeeyo bukaanka kuwaasi oo aan mar labaad wadan xadhko u ahaa muhiim in ay shaqeeeyan, oo  tolow Somaliland ma waxay noqotay meel uu UAE ku soo waaridaan mashiino bilaa xadhko ah iyo muraayada solarka oo bilaa baytariyo ah? Xagayse jirtaa xukuumaddii la xisaabtami lahayd ee odhan lahayd waa bilaa baytaryo iyo waa bilaa xadhko muraayadan solarka iyo mashiinadan kaliyaha sifeeya ee  aad nagu soo waarideen, yaa ku dhaca? Qofka daacada ah ee isku kalsoon ayaa odhan kara, Laakiin qoloda halkaas inoo jooga waa danaystayaal u soo shaqo tagay oo in ay sacab uun ka xoojiyaaan maalgashiyada iyo caawimooyinkan  Asma Coday mooyee, aan wax kale looga fadhiyin.  Waa shicib dayacan ee Alle uga gargaaro.

Aan ku so af meero maqaalkan yar ee kooban in beentaa iyo khiyaamooyinkaa xukuumadda Al-Maktuub iyo labada Kulmiye u kala danbeeyey ay faashil noqon doonto. Wixii ay in oo dhoob-dhoobeenna ay ahayd  uun Baynu-waas iyo Abna-waas sida qorraxda uun u caddaan doono gacmaha hoosta la isaga dhiibay. Tan iyo maalintii daleesha laga helay xilkii ummadda Somaliland ku aamintay madaxwaynihii hore ee Silaanyo, kaasi oo miyirkii iyo maankiiba ka tagay dhaarintii xafiiska Madaxwaynenimo loo dhaariyay mudo kooban ka dib, sida uu buuggiisa ku xaqiijiyay Xirsi Xaaji Cali (Xirsi Gaab) iyo kan ka danbeeyay waa Muuse Biixi Cabdi ee isna qaaday tubtii qoyskii Siilaanyo ee daleesha ka helay xoolihii ummadda ka dhaxeeyay.

Falalkaa foosha xun cidhibtooda ma mahadin doonaan idam ka Alle, sidii qaar badan oo hore looga hayo ma hadho sida Qadaafigii laga soo saaray bulaacad isaga oo muddo ku siman 42 sanno ku amar ku taaglaynayay dalka Libya. Aan idhaahdo:

Adigoo Mooge iga tire leh, taana la arkee

Adigoo toban Yamen ku qaday taana la arkee

 

Labaddii xukuumadood ee Kulmiyee kala danbeeyay, xukun iyo wanaag ay umadda u wadeen umay kala danbayn ee waxay u kala danbeeyeen bililiqo. Heshiiskanina wuxuun buu ka mid ahaa bililiqadaas, haddiiba ay noogu sheegeen maalgashi caalamiya annagua waxaan ugu wan qalnay heshiiskii beenta ahaa ee ay ka faa’iidaysteen Al-Maktuub iyo qoyska Siilaanyo, wax dheef ah oo la taaban karo aanay ka helin dadka reer Somaliland dhaxalkii Dekedoodda ugu wayn Geeska Afrika, waxaanu noogu sumadsanaan doonaa Heshiiskii Asma-Coday.

Advertisement

Ku Xayeysiiso