ANSIXINTA 13KA KURSI EE LAGU KORDHINAYO GOLAHA AQALKA SARE EE MATALAADDA GOBOLKA BANAADIR

Muqdisho, Jannaayo 28, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.

Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuumadda in ay xeeriyaan habraac u gaar ah matalaadda Gobolka Banaadir oo ay ka muuqato isku dheelitirnaan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo qaddarin gaar ah laga siinayo deegaanka Caasimadda lana fulinayo inta lagu guda jiro doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso