Mahadnaq Ku Socda Hormuudka Kulliyadda Sharciga ee ALPHA University. W/Q: Maxamed A. Elmi

Mahadnaq & Maamuus Ku Socota Hirmuudka Kulliyadda Sharciga ee ALPHA University. W/Q: Maxamed A. Elmi

Maamuusid iyo Mahad celin Hormuudka Kuliyada sharciga ee Jamacada Alpha Hargeysa (Dean faculty of Law Khadar Maxamed Axmed )u qabteen ardaydi ka qalin jabisay sanadka 2020.
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «لا يَشْكُرُ اللَّهَ مَنْ لا يَشْكُرُ النَّاسَ» (رواه أحمد وأبو داود والبخاري في الأدب المفرد وابن حبان والطيالسي، وهو حديث صحيح صححه العلامة الألباني).

Waxaanu Habeenkii Jimcuhu soo galaayay ee 03-12-2020 , Xaflad shahaado sharaf, ku Maamuusayno ugu Qabanay Hormuudka kuliyada Sharciga ee jamacada Alpha Pro Khadar Maxamed Axmed iyo gudoomiyihii Jaamacadda Alpha xafladaas oo ka dhacday Huteel Dhoolayare ee Magaalada Hargeysa.

Proffessor Khadar Maxamed Axmed oo ahaa Macalinkaygii, ahna Hormuudka Jaamacada Alpha University, gaar ahaan Waaxda Sharciga iyo Horumarinta, ahna Madaxa Waaxda Xuquuqal Insaanka Jaamacadda Hargeysa ( Human Right Unit, UOH ). Waa shaqsi ILLAAHAY aqoon iyo dadnimo ku galaday, oo Cilmigu biyo dhigay, Jecelna inuu dadkiisa iyo dalkiisa uga faa’iideeyo.
Khadar waa aqoon Yahan l Master Degree (double master) ah wax ku Bartay Dalkiisa Hooyo, Ugu adeega Bulshasadiisa, sidoo kale Markii uu waxbartay kuma fikirin inuu Mansab iyo Xil dawladeed doonto ama uu Gaar u shaqaysto Balse waxaa uu ku fikiray inuu Dalkiisa iyo Dadkiisa aqoontiisa uga faa’iideeyo soona saaro dhalin aqoon ahaan dhisan, wuxuu waxbaray arday Badan oo kasoo baxday jaamacada Alpha University iyo Jaamacada Hargeysa.

Run ahaantii Markii aan jaamacada Galaayey ee Gudoomiyaha Maxkamada Sare J.S.L nagu yidhi aqoontiina kordhiya Galana jaamacada, waxaan islahaa intan aad hadaba ku shaqayso ayuunbaa Jaamacadana Yaala, Maadaama oo aan shaqaale Mudo soo shaqeeyey ahaa, Balse Taasi Lamaan kulmin ee Waxaan soo ka koradhsaday aqoon sharci oo aan Anigu uun Dareemi karo. Badeshayna hab fikirkayga iyo noloshaydaba.

sabab Kalena Maaha waxay ahayd Hormuud Khadar oo ahaa nin aqoontiisa sharci dhisan tahay, sidoo kale ka go,an tahay inuu soo saaro jiil dhisan, waxaanu noo doori jiray Macalimiin aqoon ahaan dhisan, lehna khibrad casharadan ay dhigayaan, Run ahaantiina ismaan lahayn dhalin aqoontani ku Duugan tahay ayaa Dalka joogta.

Waxaan iska leeyahay Maaha hadalkani ee waa Waxaan runtii dhab ula kulmay, Waxaanadna ka dareemaysaa ardaydii aanu isku galaaska ahayn, ardaydii hore uga baxday, kuwa hada dhigta.

Khadar waxaa Kaloo ilaahay Hibo u Siiyay sida dhalinyarada loo Dhiiri Galiyo, waxaanu Mararka qaar noo dhiirin Galin jiray sida uu waalidku ubadkiisa u Dhiiri galiyo iyo Sida loola Taliyo, si ay Naftooda iyo bulshadaba u Horumariyaan, waana shaqsi uguntan sidii uu u soo saari lahaa dhalinyaro dal iyo dadba anfacda.

Waana shaqsi Buuxiyay kana soo baxay qaybtii Dalkiisa iyo dadkiisaba kaga aadanayd walina u hagar la. Mudana in la Dhiiri galiyo, Kuna baraarugsanadaan Bulshada Reer somaliland gaar ahaan Reer Hargaysa.
Waxaan leeyahay Macalin ma gudi karno abaalkaagee Waxaad naga Mudan tahay Maamuus iyo Mahadcelin ee Macalin Mahadsanid Mahadsanid Macalin.

Waxaan Kaloo u mahad celinayaa Macalimiintii kale ee wax na soo bartay, oo ay ka Mid Yihiin Khalid Shiil, Hasan Cabdilaahi Cawaale, Mahamed Ahmed Bacaluul, Jaamac Maxamed Ibraahin Xaraare, Cabdiraxmaan siciid, Cali Cabdi Cabdule, Xamse Dubad aan leeyahay mahadsanidiin Ma gudi karno abaalkiinee.

sidoo kale Waxaan u mahad celinayaa ardaydii sharafta Badnayd ee aanu Mudada wax soo wada baranay iyo Marti sharaftii kasoo qayb gashay, ee ay ka Midka ahaayeen Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka G/M/jeex, Dr Cali Suudi Diiriye, Gudoomiyaha maxkamada Gobolka M/Jeex, Cabdi Qawdhan Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Yaxye Xuseen Yuusuf iyo Gudoomiyaha Jaamacadaha Alpha University. Oo aan iyagana leeyahay Mahadsanidiin Mudanalaay sidaad noogala soo qayb gasheen Madashaa Quruxda iyo qaayaha badnayd, ee Xambaarsanayd Maamuusid iyo Mahad celin Hormuudka Kuliyada sharciga ee Jamacada Alpha Hargeysa (Dean faculty of Law Khadar M Axmed ) u qabteen ardaydi ka qalin jabisay sanadka 2020.

Maxammed Cali Cilmi.(M.Ali).

Advertisement

Ku Xayeysiiso