Cudur Geella Riman Dilaya oo ka Dillaacay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Awdal

Cudur Geella Riman Dilaya oo ka Dillaacay Deegaano Ka Tirsan Gobolka Awdal

Lughaya (Togaherer) Dadka xoola dhaqata ah ee ku nool deegaanada Cali-xaydh, Hulka-waraabe-dareeray, iyo Cabdi Geedi, ee gobolka Awdal, ayaa sheegay in xannuun dilayaa Geela uu ka dilaacay halkaasi.

Xannuunkani ayaa ah mid ay garan waayeen xoola dhaqatada oo wareysi siiyay Radio Ergo, ayaa sheegay in ay tahay markii u horeysay ee ay arkaan xannuunada qaar oo neefka Geela wakhtigii uu dhalilahaa ka soo horumarinaya, dabadeedna halkaasii uu ku dhicinayo dhiig baxna uu u dhimanayo, arrintaasi ayay sheegeen in ay haysato horaantii bishan Octobar.

Yaasin Axmed Xasan oo ka mida xoola dhaqata ku nool deegaanka Cali-xaydh, ee gobolka Awdal oo ka walaacsan xannuunkan xoolaha kaga dhacay kadibna laynaya ayaa yidhi. “Geelu wuu dhimanayaa, waxaana ku dhacay xannuun aanu garan waynay, oo neefka Geelihii dhiig sii daynayo kadibna uu dhimanayo, annaga geela sideed neef ayaa nagga dhintay, ka rimanina maqasha ayaa ka soo daadanaysa, marka xumad faro badan ayuu leeyahay, xannuunkiisuna weli wax aanu ku sheegno waanu garan waynay, waana xannuun ay maanta ugu horeyso, dhiig ayuu dabada ka keenayaa, afkana dhiig ayuu ka keenayaa intaasi kadibna sidaasi ayuu ku dhimanayaa.

Marka neefkii la qalo waxaa aad arkaysa waddnihii oo dhiig fadhiistay, maaha xannuun uu neefku muddo jiifayo ee markaaba wuu dhimanayaa, xannuunkana imika muddo aanu bil ka joogno ayuu xoolaha ku dhacay oo aanu araggnay, anniga sideed neef ayaa igaga dhintay, geela mooyaane xoolaha kalena kuma dhacayo, xannuunkani waa mid laynaya geela noockasta oo uu leeyahay, sida nirgaha iyo geela waa weynba, awrtii wuu laynayaa, halihii irmaana iyo kuwii dhalayayba wuu laynayaa, aniga saddex neef ayaa rimana geela uu iga laayay, meeshan aanu deganahayna waxaa marin u ah geela Sawaaqiga ah ee laga keeno Itoobiya marka waxaa aan u malaynaa in geelaasi uu ka qaaday geelayagu xannuunkani”

Yaasin sidoo kale waxaa uu sheegay in xannuunkani uu xoolaha ugu badan ee uu saameynta ku yeeshay ay yihiin Hala riman. “Neefka geela ahi waa uu gariirayaa dhareer fara badana wuu shubayaa, kaasi ayuu dhiigu soo raacayaa, waxaa kale oo meesha ku badan xannuunkan Halaha dhalaya ilmaha ka soo daadinaya ama neefkii oo nooli marka uu soo dhasho ee uu saddex habbeen noolaado uu dhimanayo, waxaana guud ahaanba ka siman beesha meesha taalla”

Aabo Yaasin Axmed Xasan oo qoyskiisu ka kooban yahay toban ruux waxaa uu si dareen taabasho leh uga hadlay saameynta dhaqaale ee uu ku reebay xannuunka geela ka laayay waxaanu yidhi. “Xoolaha dhintay kuwa irmaan iyo kuwa imika dhalayay intaba waa ay lahaayeen, nolosha qoyskana wax badan ayay dabarayeen, caanihiisa ayaanu ubadka siisanaynay, oo reerka ayay masruuf u ahaayeen inta imika noolina waxba lama noola oo xoola buka ciddina kaa iibsan mayso, qoyskayguna toban qof ayuu ka kooban yahay”

Gaba-gabadii

Bulshada ku nool deegaanada Cali-xaydh, Hulka-waraabe-dareeray, iyo Cabdi Geedi, ee gobolka Awdal, waxaa ay u baahan yihiin gurmad baadhitaan oo lagu ogaado xannuunkan xoolaha laynaya islamarkaana laga daweeyo, iyada oo intii xoolaha aheyd ee abaarta ka soo doogtay ay xannuunkani u lee’an doonaan haddii aan waxba laga qaban.

Advertisement

Ku Xayeysiiso