Twitterka oo Trump u Dirtay Digniin Ka Dhan Ah Dhaliil uu Bartiisa u Mariyey Maxakamada Sare Ee USA

Doorashada Maraykanka ee dhacday maalintii shalay waxa ay doorashooyinka hore kaga duwantahay in dad malaayiin qof ah loo ogolaaday in guryahooda iyaga oo jooga ay waraaqaha codaynta helaan oo inta ay ku qoraan murashaxooda kaddibna ku sii diraan boosta, si looga hortago cidhiidhiga maadaama oo uu jiro Coronavirus. Arrintani waxa ay abuurtay dood ah waxa laga yeelayo waraaqaha codaynta ee boostu keento iyada oo la dhaafay waqtiga codaynta. Goballada Pennsylvania iyo North Carolina ayaa gaadhay go’aan ah in la aqbalo waraaqaaha yimaadda maalinta doorashada kaddib, oo gobalka Pennsylvania ogolaaday saddex maalmood kaddib maalinta doorashada, halka gobalka North Carolina uu ogolaaday 9 maalmood kaddib maalinta doorashada, laakiin arrintan waxaa aad uga xumaaday madaxweyne Trump iyo guud ahaan xisbiga uu murashaxa u yahay ee Jamhuuriga, oo u arkaya in ay dan u tahay xisbiga dimuqraaddiga oo la aaminsanyahay in dadka qaabkan u codeeyey ay u badan yihiin, maadaama oo uu xisbiga jamhuurigu marka horeba fikirkan ka soo horjeeday.

Madaxweyne Donald Trump oo dareenkiisa arrintan ka xun muujinayey ayaa bartiisa twitter ka ku qoray, hadallo uu dhaliil kulul ugu soo jeedinayo qaraarka maxkamadda sare, isaga oo ku tilmaamay in uu khatar weyn keenayo, “Qaraarka maxkamadda sare ee codaynta Pennsylvania waa go’aan khatar weyn leh, waxa uu ogolaanayaa wax-is-dabamarin baahsan, waxa aanu daciifinayaa gebi ahaanba nidaamkeenna sharci, sida oo kale waxa uu sababi doonaa rabshado ka dhaca shaaracyada. Waa in arrintan wax laga qabtaa” Ereyadaas ayaa uu Trump ku qoray bartiisa Twitter ka.

Markiiba shabakadda Twitter ka ayaa faalladan Madaxweyne Trump waxa uu dusha sare kaga qoray, ereyo diginin ah, “Ereyada qoraalkan ku jiraa badhkood ama dhammaantood waa la isku khilaafsanyahay, waxa aana suurtagal ah in ay majara habaabinayaan doorashooyinka ama geeddi socod kale oo madani ah” Haddana intaas twitter ku kagama uu hadhin madaxweyne Trump ee waxa uu qariyey farriintan madaxweynaha oo uu twitter ku u arkay kuwo dadka kicin kara. Sida keliya ee lagu arki karaana waa in aad guji batam ay hoos dhigtay qoraalka digniinta ah.

Madaxeyne Trump ayaa caan ku ah in uu boggiisa Twitter ka u adeegsado warbaahinta rasmiga ah ee uu xitaa arrimaha xasaasiga ah ee dawladda kaga hadlo mararka qaarkood. Hore ayaanay u dhacday in shirkadda Twitter ku ay qariso ama tirtirto farriimo uu madaxweyne Trump soo dhigay Twitter kiisa iyada oo ku sababaynaysa in ay yihiin hadallo meel ka dhac ku ah xeerarka anshaxa ee shabakaddan. Madaxweyne Trump oo arrintaas ka cadhoodayna marar kala duwan ayaa uu ereyo hanjabaad ah hawada u mariyey twitter ka.

Shabakadda kale ee Facebook ayaa qaadatay go’aan aan ka fogeyn ka Twitter qaatay, waxa aanay farriin ah in aanay qaadayn masuuliyadda ka dhalata hadalkaas ku dul qortay farriintan uu Trump kaga hadlayey doroashada oo uu shabakadda Facebook na sida Twitter ka ugu adeegsaday.

Gobalka Pennsylvania ayaa lagu tilmaamaa furaha sirta ah ee doorashada Maraykanka, maadaama oo ay kaalmaha hore kaga jirto meelaha ay labada murashax sida adag ugu loollamayaan maadaama oo aan gobalna gaar ahaantii loo xisaabin.

Advertisement

Ku Xayeysiiso