Shirweynaha KULMIYE Oo Maalintii Labaad Galay iyo Ergeda oo Dooratay Shanta Xubnood oo Xisbiga Hoggaamin Doonta

Hargeysa-05-10-2020-(THN)-Shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa maalintiisii labaad galay, waxana ay ergadu cod ku dooratay shanta xubnood ee xisbiga hoggaamin doonta shanta sanno ee soo socota.

Shirweynaha oo ay ku sugnaayeen 806 (siddeed boqol iyo lix) ergey oo kamid ah xubnaha ergooyinka xisbiga, ayey shirguddoonka shirweynuhu gudo galeen Ajandaha shirka, waxana ay ugu horrayn ergadu cod ku meel-mariyeen wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyey qodobbo kamid ah xeer hoosaadka xisbiga KULMIYE.

Xubnaha ergadu waxa ay cod ku meelmariyeen in wax laga beddelo habkii uu ku iman jirey hoghayaha guud ee xisbiga, islamarkaana uu xoghayaha guud soo magacaabayo guddoomiyaha xisbigu, xilka qaadistiisa iyo magacaabistiisana ay ansixinayaan golaha dhexe ee xisbiga, iyada oo sidoo kale ergadu cod ku ansixisay inaan waxba laga beddelin tirada golaha dhexe ee xisbiga oo lasoo jeediyey in la yareeyo.

Intaa kaddib, waxa la gudo galay doorashada Shanta xubnood ee hoggaamin doonta xisbiga muddada shanta sanno ah ee soo socota, iyada oo la yeedhiyey magacyada xubnaha buuxiyey shuruudihii ay guddida qaban-qaabadu hore u shaacisay, waxana ay ergadu cod aqlabiyad ah ku dooratay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ahaado guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, halka guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbigana loo doortay, mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ah wasiirka arrimaha gudaha, guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigana waxa loo doortay, Mudane Axmed Cabdi Dheere. iyada oo guddoomiye-ku-xigeenka saddexaadna ergadu u dooratay, Mudane Xuseen Aadan –cadde, halka guddoomiye-ku-xigeenka Afraadna loo doortay, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo isagu ku cusub hoggaanka xisbiga, ahna wasiirka Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta mar kale loo cumaamaday guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo ku hadlay afka xubnaha hoggaanka ah ee la doortay, ayaa si ballaadhan ergooyinka madasha ku sugnaa ugaga mahadnaqay kal-furnaanta iyo kalsoonida ay ku doorteen, waxana uu tilmaamay in isaga iyo xubnaha kale ee la doortay ay u baahan yihiin taageerada, talada iyo ducada taageerayaasha xisbiga, islamarkaana ay soo dhaweynayaan fikir kasta oo meel mar ah oo dhinacooda ka yimaadda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xil culus baad noo dhiibteene waxa aad noosoo raacisaan duco iyo inaad talada iyo taageerada nala ag joogtaan, haddaanu qaldannona la qabataan oo aannu annaguna idiin qabsoonno, xisbiga hawshiisana sidaas baynnu ku wadaynaa.”

Madaxweynaha, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waxa uu tilmaamay in xisbiyadu yihiin madal fikirka lagu shiilo oo talooyin kala duwan la isku dhaafsado, islamarkaana loo baahan yahay in loo hoggaansamo dhinaca aqlabiyaddu raacdo oo aan la is colaadsan, la isuna tanaasulo, “Xisbiyadu waa meel arrin lagu gorfaynayo, la iskaga hor imanayo ra’yi kala duwan la midaynayee waxa aannu jecel nahay in cid kasta oo ra’yiga ay wadato laga bataa inay u dulqaadato oo u hoggaansanaato KULMIYE doorkiisu halka uu maray, haddii ay ka xanaaqdo codkaa la iga batay oo uu ka dudo KULMIYE dhab ah ma ah, annaga haddii uu wax naga tirsadona wuxu leeyahay golihii dhexe, mustambeedkiisii, taageerayaashii, intuba ciddii wax qoonsata inaynu is waaninno oo aynu is wadanno mid cadho ku maqan iyo mid cadhoon doonaba inay xeer inoo noqoto xisbiga in la isku wado oo uu sidaas ku hoggaamiyo,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Ugu dambayntii waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE maanta shaaciyey in sida xeerka xisbiga KULMIYE sheegayo ay ergooyinka xisbigu u doorteen labadii goor ee sharcigu siinayey hoggaaminta xisbiga, marka ay muddadaasi dhammaatana uu noqon doono oday xisbi oo aan taladiisa iyo wax sheeggiisa xisbiga kala maqnaan doonin, isaga oo guul iyo gobonnimana u rajeeyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee caanka ku ah isku duubnida iyo wada-jirka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso