Hay’adda Care Oo Agabka Faraxalka Ku Wareejisay Wasaaradda Waxbarashada Ee Gobolka Sool.

Wasaaradda waxbarashada ee gobolka Sool ayaa agab faraxalka ee lagaga hortago cudurka Covid-19, kala wareegtay hay’adda Care International.

Sida uu ku soo waramayo wariye Liiban Axmed Ciise (LiibaanQaran) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sool, isuduwaha wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee gobolka Sool Daahir Maxamed Axmed, ayaa warbixiyey agabkaas iyo goobaha loogu talo galay, isaga oo sheegay in agabkaas ay soo gaadhsiisay hay’adda Care Intertional, isla markaana loogu talo galay goobaha waxbarashada ee gobolka Sool.

Wuxuuna isuduwaha waxbarashada ee gobolka Sool, intaas ku daray in ay agabkaas faraxalka ee lagaga hortagayo faafitaan xannuunka Cornavirus ay u qaybin doonaan goobaha waxbarashada ee gobolkaas.

Advertisement

Ku Xayeysiiso