Dagaal u dhexeeya Armenia Iyo Azerbaijan oo ka qarxay xuduudda Labada dal

Isku dhacyo u dhexeeya xoogaga Armenia iyo Azerbaijan ayaa ka bilowday Gobolka labada dhinac ay ku muransan yihiin ee Nagorno-Karabakh, waxaana la soo riday diyaarad helicopter ah oo ciidanka Azebaijan leeyihiin.

Ra’iisul wasaaraha Azerbaijan Nikol Pashinyan ayaa sheegay in ciidankiis ay qaadeen duqeymo dhanka hawada ah iyo madaafiicda artilariga.

Azerbaijan ayaa sheegtay in ay duqeynta jawaab u aheyd weerar lagu soo qaaday xuduuda waxaana lagu waxyeeleeyay dad shacab ah.

Xiisadda muddada dheer u dhexeysay labada dhinac ayaa waxaa ay soo labo kacleysay bilihii u dambeeyay.

Labada dal waxaa ay ka tirsanaayeen Midowgii Sofiyeet oo burburay sanadkii 1991.

Gobolka Nagorno-Karabakh oo muranka ka taagan yahay ayaa waxaa loo aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan laakiin dadka degan gobolka ayaa isir ahaan raacsan dalka Armenia.

Dagaal xuduuda ka dhacay bishii Luulyo waxaa ku dhintay ugu yeraan 16 ruux, taas oo ka dambeysay markii banana baxyo lagu dalbanayo in dowladda dib ula wareegto gobolka ay ka dhaceen caasimadda Azerbaijan ee Baku.

Wasiirka difaaca Armenia ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday xaafadaha shacabku degan Yihiin ee magaalaa caasimadda u ah gobolka ee Stepanakert uu bilowday sideedii subaxnimada ee xilliga wadanka.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in labo helicopter iyo sadex diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee drones la soo riday.

“Jawaabteenu waxay noqon doontaa mid ku haboon, hogaanka siyaasadda militiriga Azerbaijan ayaa qaadan doona mas’uuliyadda wixii dhacay,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay.

Isla wakhtigaas, Azerbaijan ayaa ku dhawaaqday howlgal wax iska caabin ah oo ciidanka ku beegsan doonaan kuwa Armenia, si loo xaqiijiyo bad qabka dadweynaha.

Duqeymo xoogan ayaa waxyeeleeyay dhowr tuulo waxaana taasi keentay dhimasho iyo dhaawac shacabka soo gaara sidoo kale waxaa la burburiyay goobaha muhiimka ah, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca.

Wasaaradda difaaca Azerbaijan ayaa intaas ku dartay in diyaarad helicopter ah la waayay dhankooda, halka 12 hanaan difaaceed Armenia leedahay la burburiyay.

Xiisadda labada dhinac ayaa iska soo taraysay tan iyo 2016 kolkaas oo labada dal fooda is dareen muddo affar maalin ah dagaalkooda socday.

Ururka nabadda iyo iskaashiga ee Yurub oo loo soo gaabiyo OSCE ayaa muddo ku howlanaa sidii wadahadal loogu dhammeyn lahaa muranka, sidoo kale waxaa qeyb ka ah dadaalada xal u raadinta diplomaasiyiin ka kala socota France, Russia iyo Mareykanka, taas oo keentay in la gaaro heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee magaalada Minsk lagu gaaray.

Advertisement

Ku Xayeysiiso