Wafti Ballaadhan oo uu Hugaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka oo gaadhay Lawyocado

Wafti Ballaadhan oo uu Hugaaminayo Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jsl Mudane Cabdillahi Abokor Cismaan ayaa saaka gaadhay Lawyocado waftigaasi oo ay ku wehelinayaan, Maareeyaha Wakaalada Horumarinta Wadooyinka Mudane Axmed Yuusuf Maxamed RDA ,Badhaasaabka Gobolka Salel, Maayorka Degmada Saylac, Masuuliyiinta RDA-da iyo Maamulka Shirkadda (SABA ENGINEERING PLC) .
Ugu dambayntiina waxa ay Wasiirka iyo Maareeyuhuba si wada jir ah u dhagax dhigeen Daraasada cusub ee shirkadda SABA ENGINEERING PLC ku samaynayso wadada isku xidha Borama to Fardaale to Lawyo-caddo. waxa kale oo uu wasiirku ka hadlday Ahmiyada wadadaasi u leedahay Qaranka JSL.

Advertisement

Ku Xayeysiiso