Maleesiya oo la dhigay cisbitaal iyo xiisad siyaasadeed oo ka taagan dalkaasi

,
Sarkaal ka tirsan qasriga boqortooyada ee Malaysia ayaa maanta oo jimci ah ku dhawaaqay in boqor Cabdalla uusan cidna la kulmi doonin muddo toddobaad ah, maadaama uu ku jiro isbitaal lagu baarayo xaaladiisa caafimaad, halka hogaamiyaha mucaaradka Anwar Ibraahiim uu doonayo inuu la kulmo si uu u soo dhiso xukuumada cusub.

hogaamiyaha mucaaradka Anwar Ibrahim, ayaa horay u sheegay , inuu helay aqlabiyad xoog leh oo aad u tiro badan oo ah xildhibaano u ogolaanaya inuu rido raiisul wasaare Muhyiddin Yassin, laakiin wuxuu ku qasbanaaday ka hor inuu ka dhaadhiciyo boqorka dalka malaysiya inuu haysto taageero iyo kalsooni uu ku soo dhiso karo xukuumadda.

Arintaan ayaa ku soo beegmay xili dalka malaysiya uu ku jiro xiisad siyaasadeedee dalkaasi ka tagantahay mudo 7 bilood ah , loolan awood oo u dhaxeeya siyaaasiyeenta kal ah muxyadiin iyo anwar ay ku doonay hanashada hogaaminta xumkuumada dalka maalaysiya, waxaana laga yaabaa inay dib u dhac ku yimaado dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo siyaasada iyo dhaqaale dalkaasi oo saameynta fayraska Corona.

Advertisement

Ku Xayeysiiso