Afar ruux oo dhaawacyo middi ah loogu geystay Magaalada Paris

Afar qof ayaa middi tooreey ah lagu dhaawacay weerar ka dhacay meel u dhow xafiiskii hore ee jaraa’idka Charlie Hebdo magaalada Paris ee Caasimadda Dalka faransiiska.

Wali lama sheegin sababta weerarkan iyo cida ay yihiin dadka geystay,hasa yeeshee maamulka Wargeyskaasi ayaa dhowaan sheegay in ay dib u daabici doonaan sawirro kaartuun ah oo horay loogu gafay Nabi Muxamed NNKH-tee.

Ciidamada Booliskayaa xiray goobta uu weerarku ka dhaca,waxayna ciidamadaasi illaa hadda raadinayaan labo qof oo geystay weerarkaasi ,isla markaana ka baxsaday goobtaasi.

Sanadkii 2015 ayaa labo nin oo walaalo ah ay weerareen wargeyska Charlie Hebdo kadib markii uu daabacay sawir gacmeed nabiga Muxamed loogu gefay NNKH,weerarkaasina waxaa lagu dilay 12 xubnood oo ahaa shaqaalihii wargeyska

Advertisement

Ku Xayeysiiso