Wasaaradda Waxbarashadda oo xadhiga ka jartay xarumaha barbaarinta caruurta ee dugsiyada Duwaliga

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Xasan Nuur oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee WW&S Md.Axmed Abokor Maxamed iyo qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada WW&S iyo guddoonka waxbarashada gobolka M/jeex ayaa maanta xadhiga ka jaray xarumaha barbaarinta caruurta ee dugsiyada hoose/dhexe ee Ali doon iyo daloodho ee magaalada Hargaysa.

Xarumaha barbaarinta caruurta oo ay ka wada shaqeeyaan wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSl iyo hay’ada caalamiga ah ee Pharo Foundation ayaa muddo shan sano laga joogo si tijaabo ah loogu bilaabay qaar ka mid ah dugsiyada hoose/dhexe ee caasimada Somaliland, waxanay hadda marayaan dugsiyada laga hirgeliyey xarumaha barbaarinta caruurtu 12 dugsi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa sheegay, in ay wasaaradda waxbarashada qorshaha dhow ugu jirto in laga hirgeliyo xarumaha barbaarinta caruurta guud ahaan dugsiyada hoose/dhexe ee gobolada dalka oo dhan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso